HomeHARGEYSA: Maxkamadda Gobolka oo Sanduuqa Lacagta ee Dawladda Hoose ku Leedahay Bangiga Dhexe

HARGEYSA: Maxkamadda Gobolka oo Sanduuqa Lacagta ee Dawladda Hoose ku Leedahay Bangiga Dhexe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Maxakamadda Gobolka Maroodijeex ayaa amartay in xayiraad la saaro sanduuq xisaabeedka (Account) ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku leedahay Bangiga dhexe, kadib markii  ay maxkamaddu soo gunaannaday dacwad uu muwaadin reer Somaliland ahi uu maxakamadda u  gudbiyay dacwad ka dhan ah Dawladda Hoose ee Hargeysa, taas oo uu cabasho kaga muujiyey in xuquuq uu ku lahaa ay duudsiday.

Qoraal amar xayiraad ah oo maxakamadda Gobolka Hargeysi soo saartay oo xalay lagu baahiyey telefishanka Afka Soomaaliga ku hadla ee KALSAN ayaa lagu amray dhaqdhaqaaqa sanduuq xisaabeedka    lambarkiisu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02) ee ay dawladda hoose ku leedahay Bangiga dhexe ee Somaliland.

Go’aanka Maxakamadda Gobolka oo uu ku saxeexan yahay Garsoore  Maxamed Xuseen Caraale ayaa  lagu sheegay in ay maxakamaddu gaadhay kadib markii ay masuuliyiinta dawladda hoose ee eedaysanayaasha ahi hor iman waayeen fadhiyadii Maxakamadda ee ay dacwaddu socotay, iyada oo  lagu amray  lagu fuliyuhu [Dawladda hoose] in uu  muddo cayiman oo toban cisho ah ku bixiyaan  xuquuqda muwaadinka dacweeyey.

Qoraalka Maxakamadda oo lagu socodsiiyay guddoomiyaah bangiga dhexe isla markaana lagu ogaysiiyey lix masuul oo laba ka mid ahi wasaaradda Maalliyada yihiin ayaa isaga oo dhamaystiran waxaa uu u dhignaa sidan:

“Ku: Guddoomiyaha Baanka dhexe

Og: Guddoomiye ku xigeenka Baanka

Og: Maayarka Caasimadda Hargeysa

Og: Xogahayaha fulinta ee dawladda Hoose

Og: loo fuliye Cismaan Ciise Faarax

Og: Wasiirka Maalliyada Somaliland

Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda Maalliyada 

Ujeeddo: Amar xayiraad Xisaabta Akownka dawladda Hoose

“Maxakamada Gobolka Maroodijeex iyada oo tixraacaysa amarka fulinta xoogga ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL/69/2014 kuna taariikhaysan 16/11/2015 ee soo baxay 22/11/2015, kaasi oo ay maxakamada gobolka Maroodijeex [Hargeysa] ku amartay lagu fuliyaha dawladda hoose in ay muddo 10 cisho ah gudahood ay ku bixiyaan xuquuqda muwaadinka loo fuliyaha sare ku suxan.

Haddaba waxa ay maxakamada gobolka Maroodijeex idinku amraysaa in aad xayirtaan lacagta ku jirta lambarka dawladda hoose ku leedahay bangiga dhexe ee hargeysa, xisaabtaas oo namberkeedu yahay [Sl.Sh. s= A/C. NO.09 iyo Dollar A/C. No. 02).

Sababtuna ay tahay iyada oo ay ku waajibtay xuquuq dhan $6800 [Lix kun iyo sideed boqol oo dollar] oo uu leeyahay loo fuliyaha magaciisu yahay Cismaan Ciise Faarax, kaasi oo ay maamulka dawladda hoose ka dhego adaygeen in ay yimaadaan maxkamadda gobolka Hargeysa,   Sida ku xusan qaraarka aanu ku soo lifaaqnay  amarkan. Sidaasi darteed maxakamaddu waxa ay idinku amraysaa in aan la isticmaali karin xisaabaadka sare ku xusan   isla markaana aad ku xayirtaan sida ugu dhakhsaha badan, una fulisaan amarkan illaa amarkan.

Alaa Mahad leh

Maxamed Xuseen Carraale

Garsooraha Maxakamada Gobolka Hargeysa.

Somalilandpost.net 

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories