HomeHargeysa: MASUUL soo Faqay Dhaliilaha MASUULKII uu Martida u ahaa iyo Jewigii...

Hargeysa: MASUUL soo Faqay Dhaliilaha MASUULKII uu Martida u ahaa iyo Jewigii Madasha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Arrimaha Qaxoontiga ee Somaliland Mr. Cabdikariin Xuseen Xinnif, ayaa hadal uu ka jeediyey madal lagu daah-furay dhisme iyo qalab cusub oo lagu kordhinayo Madbacada Qaranka, waxa uu ku beyaamiyey dulmi iyo duruufo ay qabaan Shaqaalaha Madbacaddaasi ka howl-gala, isagoo tilmaamay in maamulka looga baahnaa in ay daryeelka Shaqaalaha ka hor mariyaan ballaadhinta dhismeyaasha iyo qalabka.

blankMunaasibadan oo uu ku sugnaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan SOLTELCO iyo masuuliyiin kale oo ka socday madaxtooyada iyo laamaha kale ee Xukuumadda, ayaa waxa sidoo kale laga sheegay in Madbacada Qaranku tayo ahaan ka hoosayso dhammaan madbacaddaha kale ee dhiggeeda ah.

Guddoomiye Xinnif oo ka hor khudbadaynaya Maareeyaha Madbacadda Maxamuud Raage oo isaga marti loo ahaa, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Mishiino keen ama Daaro dhis ama laamiyo dhis, waxaasoo dhami waxba ma soo kordhiyaan haddii aan la hayn cidii ku shaqaynaysay, waayo shaqaalluhu haddaanu daryeel haysan waxba ma tarayaan waxaad kordhisaa, muhiimadda waxa la siiyaa dadka waxan ku shaqaynaya oo daryeel iyo dhiiri-gelin u baahan”, ayuu yidhi Mr Xinnif.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waligay waxaan maqlayey laba biloodbaanay mushahar qaadan Shaqaaluhu iyo saddex bilood baanay qaadan”, ayuu sida waranka ugu ganay Maareeyaha oo wejigiisa laga dheehanayo sida dareenkiisu isu-beddelay markii uu hadalkan sheegayey masuulka martida ku ahaa goobta. 

Waxa kale oo iyaguna mar qudha dhegta wada taagay masuuliyiintii madasha fadhiday, halka ay shaqaalihii xaflada joogay sacab iyo farxad oogsadeen, taasoo iyaduna waji-gabax kale ku sii noqotay Maareeye Maxamuud Raage iyo masuuliyiinta ka hoosaysa, marti-sharafta uu Madaxweyne ku-xigeenku kamid yahay dhabanno hays ku noqotay.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Faahfaahinta Warkan iyo Jewigii Madasha laysku Maagay

Si kastaba ha ahaaatee, weerarka badheedhka ah ee uu ku Cabdikariim Xinnif ku qaaday Maareeye Maxamuud Raage, ayaa u muuqda Aargoosi siyaasadeed oo salka kuhaya khilaaf gaamuray oo dhexmaray labadan Masuul oo labadooduba kasoo jeeda Bariga gobolka Togdheer isla markaana lagu tiriyo inay yihiin Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye.

Khilaafka-siyaasadeedka gaamuray ee Xinnif ku dillaaciyey xafladda, ayaa ku aroora khilaaf soo kala dhex-galay laba masuul oo ka tirsan kaadiriyiinta Kulmiye xilli ay labadooduba xilal ka hayeen Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Cabdikariim Xinnif ayaa xilligaas ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka Xakamaynta Cudurka HIV/AIDs, halka Maxamuud Raage uu ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Maxamuud Raage ayaa Xilligaas iska casilay Xilka Agaasimaha Guud isagoo markii dambe hadallo uu ku sababeeyey shaqo-ka-tagistiisa ku duray Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdikariim Xinnif laftigiisa, isagoo warbaahinta ka dhaliilay kuna eedeeyey inay maroorsadeen hoggaaminta madaxweynihii la doortay ee xilligaas Axmed Maxamed Siilaanyo.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories