HomeHargeysa: Marxuum Faysal Cumar Mushteek oo manta Aas Qaran loo sameeyey iyo...

Hargeysa: Marxuum Faysal Cumar Mushteek oo manta Aas Qaran loo sameeyey iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray dadkii uu ka baxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxaa maanta si heer  Qaran ah loogu aasay Magaalada Hargaysa Marxuun Faysal Cumar Mushteek oo ka mid ahaa Foolaadkii Fanka Soomaalida.

Aaska Marxuunka waxaa ka qayb galay Wasiirada Warfaafinta, Kalluumaysiga, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, bahda Fanka iyo Dadweyne aad u tiro badan.

blankMadaxdii iyo Fanaaniintii ka qayb galay Aaska Marxuunka ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdii uu Marxuun Faysal Cumar Mushteek ka soo qaatay Waxbarashada iyo Fanka iyagoo tilmaamay in marxuunku uu ka mid ahaa labeentii Waxbarashada Somaliland isla markaana uu macallin ka noqday deegaamo badan oo ka mid ah dhulka Somaliland iyo meelaha ay degaan dadka ku hadla Luuqada Soomaaliga .

Waxaa kale oo ay ka warrameen doorkii, Rabbi ha u naxariistee, Marxuun Faysal Cumar Mushteek ka soo ciyaaray isbeddeladii uu ku tallaabsaday Fanku, isaga oo Marxuunku ka mid ahaa shakhsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee aqoonta fanka ku soo bartay Wadamada Masar iyo Jarmalka.

Alle ha u naxariistee waxa uu marxuunka lagu xasuustaa sidii uu heelada Soomaaliga ugu soo kordhiyay codadka caan baxay ee Qaraamiga,

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md,Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay waxa uu ka xasuusto taariikhda marxuunka ayaa sheegay inuu u ahaa macalin, isla markaana ku tilmaamay shakhsi u dhashay wadaniyad,cod kar, iyo kaalintii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta wadanka ,Waxaanu tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Faysal Cumar Mushteek.

Sidoo kale Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire), Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ,Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur “Timacad” ayaa Marxuunka ku sifeeyay qof ay muuqato wixii uu dalkan iyo dadkiisaba u soo qabtay,iyagoo intaas ku daray inuu ahaa aqoon yahan iyo macallin cilmiga waxbarasho ee uu soo bartay ay ka faa’iideen Siyaasiyiin badan oo dalka iyo dibadiisaba ku sugan.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiiray “Aadan Siiro”ayaa Marxuunka eebe uga baryay inuu naxariistiisii jano ugu deeqo.

Waxaa kale halkaasi ka hadlay abwaano ay ka mid yihiin Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Ganey,Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), Axmed Saleebaan Bide, Fanaanadda caanka ah ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin (Maandeeq), aqoonyahano iyo waayeel kale, oo sheegay in bahda Fanka ka baxay mid ka mid ah tiirarkii waaweynaa ee uu ku taagnaa.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Marxuun Faysal Cumar Mushteek aad looga jeclaa heesihiisa dunida Carabta isagoo heeso badan ku qaada Luuqada Carabiga isla markaana uu saaxiib dhaw la ahaa Fanaaniinta Sayid Khaliifa Maxamed Wardi, Saalax Ibnu Baadiye iyo kuwo kale.

Waxaanay Rabi uga baryeen inuu naxariistiisa Jano ugu deeqo,Qoyskii, Qaraabadii,bahda Fanka iyo Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa bahweynta Fanka iyo Sugaanta, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyay geerida Rabbi naariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Faysal Cumar Mushteek, waxaanu Eebbe uga Baryey Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories