HomeHargeysa: Magacyada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay Roobkii Galabta, Maayarka caasimadda oo...

Hargeysa: Magacyada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay Roobkii Galabta, Maayarka caasimadda oo ka hadlay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Cusbitaalka Guud Booqday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ilaa inta la xaqiijiyey Saddex Qof, ayaa ku geeriyooday Roobab Dabayl watay oo galabta ka da’ay magaalada Hargeysa, halka dhaawacuna ka yahay 17 Qof, sida uu sheegay Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa Warbaahinta u sheegay in tirada dadka dhintay ee la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka yihiin saddex Ruux oo mid ka mid ahi Haweenay tahay iyo 19 Qof oo Dhaawac ah oo iyagu Cusbitaalka lagu dawaynayo, waxaana dadka dhaawaca Cusbitaalka Guud ku booqday Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

MADAWEYNAHAMadaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo ay isaga iyo Masuuliyiin kale ku booqdeen Dadka Roobka ku dhaawacmay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa qof qof u dul istaagay Dadka dhaawacyada ah ee Cusbitaalka Jiifay, waxaanu Allaah uga beryey inuu u fudaydiyo dhaawacyadaas. Waxaanu Warbixin ka dhegaystay Maamulka Cusbitaalka iyo Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in Dadka dhaawacmay intooda badani ay sahlan yihiin, balse dhawr qof culus yihiin.

Sidoo kale Roobabka ayaa khasaare gaadhsiiyey ilaa Boqol Guri oo ay Fooqyo ku jiraan, sida uu Xaqiijiyey Maayerka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco.

DAAWO MUUQAALKA MADAXWEYNAHA OO CUSBITAALKA GUUD KU BOOQDAY DADKA DHAAWACA AH IYO MASUULIYIIN KA HADASHAY KHASAARAHA ROOBABKU SABABEEN

Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo Saxaafadda la hadlay caawa, ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen dhimashada laba qof oo uu ku soo dumay dhismaha Guri Fooq ah oo laga dhisayey Xaafadda New Hargeysa, halka uu xusay in 14 Qof oo kale ay dhaawacmeen.

Sida ay warbaahintu ka heshay Maamulka Cusbitaalka Guud , waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa liiska magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Roobka Dabaysha Watay ee galabta ka da’ay Hargeysa.

  1. Marxuum Salaad Geelle (Dhimasho)
  2. Marxuum Faysal Ishaar Cumar (Dhimasho)
  3. Marxuumad Haweenay (Ina Jaamac Furre) (Dhimasho)
  4. Samiira Jaamac Xasan ( Dhaawac)
  5. Samiira Cabdi Muxumed (Dhaawac)
  6. Maxamed Yuusuf Aadan (Dhaawac)
  7. Maxamed Cabdilaahi Bureed(DHawaac)
  8. Jaamac Cabdi Maxamed (Dhaawac)
  9. Cabdiraxmaan Xasan Khaliif (Dhawaac)
  10. Siraad Cali Cabdi (Dhawaac)
  11. Mahad Mawliid Cige( Dhaawac)
  12. Mustafe Nuur Axmed (Dhaawac)
  13. Xariir Nuur Axmed (Dhawaac)
  14. Siraad Cali Cabdi (Dhaawac)
  15. Axmed Yuusuf Xasan (Dhaawac)
  16. Sidiiq Xuseen Nuur(Dhaawac)
  17. Canab Cismaan Cabdi (Dhawaac)
  18. Jawaahir Cabdi Muuse (Dhawaac)
  19. Kawsar Maxamed Aamiin (Dhawaac)
  20. Xaliimo Suudi Aadan (Dhawaac).

Roobkan oo Dabayl watay, ayaa da’ay bilaabmay abbaaro 5:15 daqiiqo  ee saacadda Geeska AFrika, waxa uu sidoo kale magaalada Hargeysa ku sababay in qaybo ka badan oo xaafadaha ka mid ah ay caawa bilaa koronto yihiin ka dib markii uu Xadhkaha Dabka xambaara iyo Tiirarka ay ku gudbiyaan Shirkadaha Kooraanka Shida uu Roobku dumiyey.

DAAWO MUUQAALKA WARBIXIN TELEFISHANKA HCTV KA DIYAARIYEY MASHAQADA ROOBKU SABABAY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories