HomeHargeysa: Magacaabista Riyo-Raac ee Komishanka, Mowqifka Adag ee Mucaaradka iyo Makeekiga Muranka...

Hargeysa: Magacaabista Riyo-Raac ee Komishanka, Mowqifka Adag ee Mucaaradka iyo Makeekiga Muranka Siyaasadeed oo sii Xoogaystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la dhaariyey, ayaa maanta iska dhex-doortay inuu guddoomiye u noqdo Cabdirashiid Riyo Raac oo ka mid ah saddex xubnood oo uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi.

blankGuddidan Doorashooyinka oo todoba xubnood ka kooban, ayaa baarlamaanka Somaliland ansixiyey dhowaan iyadoo ay ka maqan tahay xubintii xisbiga Waddani ku lahaa Guddidaasi, kaddib markii uu cirka isku shareeyey khilaaf xooggan oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka oo ka biyo-diiday sharciyadda xubinnimada guddoomiyaha cusub ee la doortay oo ay sharci-darro ku tilmaameen mucaaradku kaddib markii ay ku doodeen inuu yahay siyaasi ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, taasina ay ka hor imanayso sharciyadda u taalla xulashada xubnaha Komishanka.

Haddaba, waxa tallaabadan ka dareen-celiyey Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland oo markii horeba aan oggolayn xubinimada Cabdirashiid Riyo-Raac, iyagoo mawqif adag oo ay ku diidan yihiin iska taagay in Cabdirashiid Riyo-raax loo doorto inuu Gudoomiye ka noqdo Komishanka Doorashooyinka.

Ugu horayn Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon ayaa ka hadlay aragtida xisbiga Waddani ee ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka loogu doortay Riyo-raac.

“Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, markaa masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talo qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay,” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.’

Dhinaca kale, waxa arrintan ka biyo-diiday isla markaana sharci-darro ku tilmaamay xubinta xisbiga UCID ee guddiga Doorashooyinka oo aan isagu ka mid ahayn xubnihii doortay Cabdirashiid Riyo-raac oo tiradoodu ahayd Afar xubnood marka isaga laga reebo.

Dhinaca kale, waxa doorashada Guddoomiyaha kaddib isla maantaba si rasmi ah xilka ula wareegay Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo masuuliyadda shaqo kala wareegay guddigii iyaga ka horeeyey,

Si kastaba ha ahaatee, Doorashada Cabdirashiid Riyo-raax oo xubinimadiisa khilaafku ka dhashay, ayaa sida muuqata sii hurinaya khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ee dhinaca Arrimaha Doorashooyinka.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Doodda Xubinta UCID ee Komishanka Doorashada

https://www.youtube.com/watch?v=BK-KuRNvOJY

 

Mowqifka Xisbiga Waddani ee Doorashada Cabdirashiid Riyo-raac

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories