HomeHargeysa: Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer qaran ah...

Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer qaran ah dalka loogu soo dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee safarka shaqo ugu maqnaa waddanka maraykanka, ayaa maanta soo dhaweyn heer qaran loogu sameeyey.

blankMadaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo maanta kasoo degay madaarka Cigaal International Airport, ayaa waxa halkaas kaga hortegay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyayaasha kala duwan ee ciidamada iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, waxana uu madaxweynuhu qaddar nasasho ah ku qaatay garoonka VIP-da ee madaarka.

Intaas kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu goob fagaare ah oo ku taalla afaafka garoonka Cigaal International Airport ku qaabilay kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa daafaheeda kala duwan ku dhaqan oo ku lebbisan calanka jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin guulaha ay madaxweynaha iyo weftigiisu kasoo hooyeen socdaalkii shaqo ee ay dalka maraykanka ku tageen iyo kulamadii midho dhalay ee ay la yeesheen saraakiishii kala duwanaa iyo diblomaasiyiinta ka tirsan dawladda Maraykanka.

Ugu horrayn maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, isaga oo bogaadiyey guulihii taariikhiga ahaa ee uu madaxweynuhu kasoo hooyey safarkiisii uu waddanka maraykanka ku tegay.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad taariikhi ah u jeediyey bulshoweynta reer Somaliland sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo shucuurta waddaniyadda leh ee ay muujiyeen, waxana uu ku dheeraaday sida ay xilka isaga saareen in dareenka, dedaalka iyo xuquuqda ay shacabka Somaliland u leeyihiin inay kamid noqdaan dawladaha adduunka ay gaadhsiiyeen dawladda maraykanka, si wanaagsanna ay ula garnaqsadeen oo ay u badhigeen qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in safarkiisii uu waddanka Maraykanka ku tegay ahaa mid taariikhi ah oo guulo waaweyn usoo hooyey bulshada Somaliland, cadowgana ka nixiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkayagii wuxuu ahaa mid guul u ahaa Somaliland oo taariikhda geli doona, cadowga Somaliland-na wuxuu ahaa mid dhabarka ka jebiyey oo ka nixiyey.”

Madaxweynuhu uu bulshada ugu bushaareeyey in codkii shacabka Somaliland uu gaadhay ciddii ugu mudnayd ee ay ahayd inuu gaadho, Jamhuuriyadda Somaliland-na ay marayso marxalad quwadaha ugu waaweyn dunigu ay ka marag kacaan horumarkeeda, garteedana ay dhegaystaan, kana garaabaan,“Waxam idiinku bushaaraynayaa, haddii ay shalay dawladaha waaweyni indhaha inaga lalinayeen in dawladdii adduunka ugu waynayd ay manta indhaheedii inoo soo jeedaan, haddii aan shalay hadalkeena aan hadalkeenna aad loo dhegaysanayn oo uu cadowgeennu dhegaha ka haystay dawlaha waaweyn, maanta waxad arkayseen iyada oo dhegaha dawladda maraykanku iyaga oo aad u raaracan ay dhegaysanayeen codka Somaliland iyo dareenkooda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa loosoo galbiyey dhinaca qasriga madaxtooyada, waxana shaaracyada waaweyn ee caasimadda kusoo dhaweeyey Kumanaan katirsan shacabka caasimadda oo caleemo qoyan iyo calanka Somaliland lulaya, kuwaas oo ku faraxsanaa guulaha uu madaxweynuhu kasoo hooyey safarkiisa.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu u gudbay gudaha qasriga madaxtooyada, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo xisbiga KULMIYE iyo bulshada rayidka ahba katirsan, waxana uu kulan ballaadhan oo uu ugu mahadnaqayo kula qaatay gudaha qasriga madaxtooyada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories