HomeHARGEYSA: Madax-dhaqameed difaacay Wasiirka Macdanta: “Ciddii Madaxweyne Siilaanyo saluugsani yaanay Beesha ku...

HARGEYSA: Madax-dhaqameed difaacay Wasiirka Macdanta: “Ciddii Madaxweyne Siilaanyo saluugsani yaanay Beesha ku Xad-gudbin”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Boqor Mustafe Xuseen Cali oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa eedayn u soo jeediyay 16 oo dhowaan eedo qabyaalad iyo eex ku sal leh u jeediyay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

Boqor Mustafe waxa uu xildhibaannadan ku dhaliilay inay ku gefeen xasaanadda xilka qaran ee ay ummadda u hayaan, isla markaasna ay ku dhaqaaqeen tallaabo xasilloonni-darro ka dhex dhalin karta beelaha ood-wadaagta ah ee reer Somaliland.

blank“Warka suuqu wuxu leeyahay warka Xildhibaannadan waxa wakhtigan ku soo beegay, waxay ka xumaadeen sidii Xaglo-toosiye loo soo dhoweeyay iyo heshiiskii nabadeed ee lala galay. Qaar kalena waxay leeyihiin waxay doonayaan in iyagana lagu qaabbilo gogol u dhiganta tii Xaglo-toosiye. Qaarna waxaabay leeyihiin wax kale ma jiraane, Xildhibaannadu Xaqal-Ciid ayay rux-ruxayaan” ayuu yidhi Boqor Mustafe Xuseen Cali, isaga oo ku dooday in dadku arrimahaas ku falanqaynayeen goobaha dadweynuhu ku kulmo.

Boqor Mustafe waxa oo aannu wax ka weydiinnay inuu qabo in aanu Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wax caddaalad-darro ah ka yeelin qaybinta hawlaha biyaha iyo ceel-qodista Somaliland, ayaa ku andacooday in Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu qaranka wax badan u qabtay, isla markaasna uu beesha ay Xildhibaannadani ka soo jeedaan u sed-buriyay ceelasha biyaha ee dalka laga qoday.

“Wixii eed ah ee la xidhiidha qaybinta biyaha waxa masuul ka ah hay’adda sahaminta dalka qandaraaska lagu siiyay FSU oo lacag badan ku qaadata hawshan, isla markaasna aan la aqoon waxa ay dalka u qabato. Haddii qabyaaladi jirto, hay’addaas ayaa hurisay” ayuu yidhi Boqor Mustafe.

Boqor Mustafe Xuseen Cali waxa uu sidoo kale dhaliil u soo jeediyay madax-dhaqameedyo ka soo jeeda beesha Galbeedka Burco oo 16-kii Xildhibaan ee hore u eedeeyay Wasiirka Macdanta ku ayiday dhaliishaas, isla markaasna ugu marag-furay. “Waa ayaan-darro kale in rag madax-dhaqameed sheeganayaa ay sidaas u hadlaan. Xilka iyo hadalku ha is waafaqo ayaan leeyahay”.

“Xilka Madaxweynaha Siilaanyo Somaliland oo dhan buu hayaa. Waa lagu dhaliili karaa, waana lagu ammaani karaa, laakiin maaha in qofka Siilaanyo diiddani uu beesha Siilaanyo oo dadka uu maamulo uun ka mid ah la dul fuulo hadallo qadaf ah. Ciddii reer Somaliland ah ee Madaxweyne Siilaanyo mucaaradaysa ama saluugsan hoggaamintiisu, yaanay fadlan beeshayada wax ka sheegin ee isaga (Siilaanyo) oo Qaranka oo dhan xil u haya ha isku koobto. Beeshu uma dulqaadan doonto af-xumo uga timaadda ciddii Siilaanyo neceb” ayuu Boqor Mustafe hadalkiisa ku soo afjaray.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories