HomeHARGEYSA: Mac-hadka Faafinta Islaamka oo kulan Diimeed baraarujin iyo Wacyi-gelin ah u...

HARGEYSA: Mac-hadka Faafinta Islaamka oo kulan Diimeed baraarujin iyo Wacyi-gelin ah u Qabtay Dhalinyarada Xaafada Daami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka oo hawlo muhiim ah u qabta bulshada Somaliland isla markaana dhalinyarada kala dagaalama dhaqamada Diinta Islaamka liddiga ku ah, ayaa kulan Diimeed wacyi-gelin ah u qabtay in ka badan150 ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafadda Daami ee degmada Gacan-Liibaax ee caasimadda dalka.

DSCN2114Kulan-diimeedkaas oo lagu qabtay Hotel Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii dhalinyarada looga wacyi-gelin lahaa dhalinyarada ficillada muddooyinkan dambe ku badan dhalinyarada oo Diinta Islaamka ka soo horjeeda, sida tahriibta, Waalid-caasiga, is-qarxinta, adeecid la’aanta Macalinka, waxaana kulankaas ka soo qayb galay madaxda sare ee Mac-hadka Faafinta Islaamka, boqorka Xaafada Daami, la-taliyaha Madaxweynaha ee Beelaha la hayb-sooco, Madaxa Akadamiga Waxbarashada iyo horumarinta beelaha laga tirada badan yahay iyo dhalinyaro badan.

DSCN2113Ugu horayn, waxa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Mac-hadka Faafinta Islaamka  ee Gobolka Hawd Sheekh Cumar Jamac Ducaale oo dhalinyarada ugu baaqay inay barashada diinta xooga saaraan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaan idinku baraarujinayaa inaad xadhiga ilaahay qabsataan ood diinta ku dadaashaan barashadeeda, marka aad sidaas yeeshaan wax walba way idiin hagaagayaan,” ayuu yidhi Sheekh Cumar.

DSCN2083La taliyaha Madaxweynaha ee Beelaha laga tirada badan yahay Md Barkhad Jamac Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa dar-daaran dhinacyo badan taabanaya halkaas ka jeediyay, isaga oo sharaxaad ka bixiyay safar uu dhawaan ku tagay waddanka dibediisa, waxanau dhalinyarada ku boorriyey in aanay jirin meel dalkooda u dhaanta, isla markaana ay ka waantoobaan tahriibta, “Siminaarkan Diiniga ah ee Machadka Faafinta Islaamku u qabatay dhalinyarada reer Daami waa mid miisaankeeda leh, waana mid baraarujin ah ee waa inaad ka faa’iidaysataan muxaadirooyinkaas Diiniga ah ee la idiin jeedinaayo,” sidaas ayuu yidhi la-taliyaha Madaxweynaha ee Dadka la hayb-sooco.

Boqor Axmed Ugaas Warsame oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay, ayaa dhalinyaradii kulankaas loo qabtay ugu baaqay inay xoogga saaraan ku-xidhnaanta xadhigga Illaahay, isla markaas waxa uu mahad-naq u jeediyay Mac-hadka Faafinta Islaamka oo uu xusay kaalinta uu kaga jiro bulshada.

DSCN2088Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, Sheekh Axmed Aadan Mirre iyo Sheekh Maxamed Cawil Cismaan oo muxaadarooyin kala duwan halkaas ka jeediyay kulankaas, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ku-dhaqanka Diinta Islaamku leedahay iyo dedaalka dheeraadka ah ee ay u baahan tahay taas oo culimadii kulan-diimeedkaas ka hadashay ay si qoto dheer uga warrameen baaxadda Diinta Islaamku iyo karamaada nafta binu’aadamku leedahay, taas oo ay sheegeen dhalinyaradu inay xoogga saaraan barashadeeda iyo ku-dhaqankeeda.

Geba-gabadii waxa kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi yuusuf (Mooge), waxaanu uga mahad naqay dhalinyaradii, madax-dhaqameedkii iyo culimadii kulankaas ka soo qayb galay, waxaanu ku dhiirri-geliyay dhalintii kulankaas ka qayb gashay inay ku-dhaqmaan iyo muxaadirooyinka Diiniga ah ee loo jeediyay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories