HomeHARGEYSA: Maayarka Caasimadda oo ka Qaatay Qaadhaan lagu ururinayey kulan ku qabsoomay...

HARGEYSA: Maayarka Caasimadda oo ka Qaatay Qaadhaan lagu ururinayey kulan ku qabsoomay Xabaalo Dushood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimada Hargaysa Eng Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa markii saddexaad bishan gudaheeda kormeer ku maray Xabaalaha boqol-jire ee Galbeedka Hargeysa oo fatahaadaha daadadku khasaare u geysteen, halkaas oo lagu qabtay kulan qaadhaan loogu ururinayo Kaabado lagu wareejinayo xabaalaha.

Kormeerka Maayarku maanta ku tagay Xeebaha oo ay goob-joog ka ahaayeen qaybo badan oo ka mid ah wax-garadka bulshada Caasimadda, ayaa ahaa jawaabta qaylo-dhaan uu bishan horaanteedii maayarku u jeediyey shacabka Hargeysa sidii looga qayb-qaadan lahaa dedaallo dawladda hoose hormuud ka tahay oo dib-u-dhis loogu samaynayo, waxaana halkaas laysugu keenay lacag xaddigeedu dhan yahay 54 Kun oo Dollar oo ay yabooheen bulshadii ka qayb-gashay kulanka.

maayarkaMaayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiidi (Soltelko) oo halkaas ka hadlay, ayaa Sheegay in Dawlada hoose ee ay kafaalo-qaadday hirgelinta Biyo-xidheen lagu yaraynayo biyaha badan ee xabaalaha ku soo rogmada xilliyada roobka oo ka yimaadda buurta lagu magacaabo Isha Cobasha ee dhinaca Koonfureed/Galbeed ka saaran goobta ay Xabaaluhu ku yaallaan.

Maayarku waxa uu baaq u diray bulshada ku dhaqan caalamka iyo Magaalada Hargaysaba in ay si wayn uga qayb qaataan qaadhaanka loo ururinayo Xabaalaha boqol-jire, waxaanu yidhi, “Waa Arbacadii Saddexaad ee aynu iskugu nimaadno Xabaalaha Boqol Jire, waxaana loo kala saaray Laba qaybood. Qaybta ah in la sameeyo Kaabadahii Biyaha ka qabanayay Xabaalaha iyo qaybta labaad oo ah in Isha -cobosha laga xidho biyihii badnaa ee ka imanayay, isla markaas loo sameeyo dhaamam ay biyuhu ku dhacaan, Qoladii Qandaraaska qaadatay waxa ay kusoo qiimeeyeen Dhawr iyo Sagaashan kun Xaga hoosena Dhawr iyo lixdan kun,Markaas ka dawlada hoose ahaan dhamaan lacagtaas ku baxaysa oo dhan anaga ayaad qaadanaya”.

Sidoo kale maayarku waxa uu sheegay in ka dawlad hoose ahaan qaybta ugu badan ka qaadan doonaan qaadhaanka loo ururinayo Xabaalaha, waxaanu yidhi, “Dadkii Maalintii hore lacagta ku deeqay waxa hormuud u ahaa Cabdiqaadir Xaashi oo ku deeqay Toban kun oo Dollar, maanta halkan waxa aynu iskugu nimid in aynu ka qayb qaadano qadhaanka loo ururinayo xabaalaha Boqol-jire, waxaana qofkasta looga baahan yahay inuu wixii uu ku tari karo kaga qayb qaato.”

Sidoo kale waxa isna kulan kaasi Qadhaanka loogu uruurinayay Xabaalaha boqol jire ka hadlay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada dalka, waxaanu yidhi, “Waxa aynu u baahan nahay inaanay hawshaasi nagu soo noq-noqonin oo aynu taxaddar dheer ka yeelano, hawshaasina sida ugu dhakhsaha badan aynu iskaga dhamayno. Biyahan la xidhayana waxa loo baahan yahay in aynu manafacaad Sano, lana sameeyo biyo xidheenno si ay bulshadu uga faa’idaysato. Waxa jira bulsho badan oo ku ooman caasimada Somaliland ee Hargaysa, kuwaas ayaa ka faa’idaysan doona,waxaana ay inaga xidhi doonaan Biyihi Badnaa ee xabaalaha jiidhayay.”

Xabalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa oo ah kuwa qadiimsan, ayaa halis ugu jira inay gebi ahaanba noqdaan goobo biyo-mareenno, ka dib markii ay ku soo jabeen togag ka soo rogmada buuraha dhinaca Koonfur-galbeed ka xiga, arrintaas oo sababtay in Culimada iyo wax garadka ku dhaqan Magaalada Hargaysa ay bulshada u jeediyaan qaylo-dhaan loogu gurmado baadbaadinta iyo daryeelka Xabaalaha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories