HomeHARGEYSA: Kulan Lagu lafagurayo xal-u-helidda Aafooyinka Sixir-bararka iyo Abaaraha oo Hargeysa uga...

HARGEYSA: Kulan Lagu lafagurayo xal-u-helidda Aafooyinka Sixir-bararka iyo Abaaraha oo Hargeysa uga furmay Lix Jaamacadood iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan ballaadhan oo lagu lafo-gurayo sidii xal loogu heli lahaa Saamaynta ay bulshadda Ku yeesheen aafooyinka Sicir-bararka iyo Abaaraha soo noq-noqda, ayaa magaalada Hargeysa uga furmay xubno ka socday Lix Jaamacadood oo dalka ku yaalla.

099A6376Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay madaxtooyada Somaliland, isla markaana muddo laba maalmood ah uga socon doona Hotel Maansoor, waxa kale oo ka qayb-galay xubno ka socda hawl-wadeennada hay’adaha dowladda, waxaana afkaartooda iyo aqoontooda arrintan ku faaqidi doonaan aqoonyahano iyo arday ka kala socda Jaamacadaha Hargeysa, Burco, Camuud, Beder, Nugaal, iyo Sanaag.

Munaasibad kulankaasi lagu furay ayaa waxa ka qayb galay, Wasiirada Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Habane, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Beeraha Maxamed Aw Daahir, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi, Wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan, iyo madax kale.

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo kulankaasi furitaankiisii khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “ Waxaan halkan ka bogaadinayaa masuuliyiinta jaamacadaha iyo Wasaarada waxbarashada ee isugu yimid kulankan, mar labaadka waxaan u mahad naqayaa ardayda iyo aqoonyahanada  fursadan helay ee inagala soo qayb qaatay kulankan aqoon is-waydaarsiga ah. Ujeedada u weyn ee aynu kulankan aynu u samaynay waxa weeye Jaamacadaha dalku waa meesha ay aqoonta ummaddu taalo, sidaa darteed waxaanu jecelaysanay bal inay ay Xukuumad ahaan nala wadaagaan duruufaha qarankan haysta qaybo ka mid ah wixii ay tallo ka biirin karaa, wixii ay barteen aqoontooda, haday cilmibaadhis ay hore u samaayeen ay jirto iyo haday aragti shaqi ah ku ah iyo dodo labada ku iman karto, in aynu arrimahaa wadaagno.”

099A6426Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kulankaa waxaanu yidhi “ Kulankani waa is xogwaraysi iyo wadatashi, oo balaysin u noqon kara inaynu joogtayno, qaabab kala duwan u dhigno, balaadhino, waxbadana aynu ku kordhino, dibadda u soo saarno aqoonta jaamacadaha taala, Dawladdu waa hay’ada maamusha qarankan, umadda waxa lagu maamulaa siyaasad, golle ka fuul laguma maamulo, qorshayaashaasina aqoon ayey u bahan yihiin, qaran-waliba sida ay aqoontoosu u dhisan tahay ayuu u horumarka.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa gabgabadii ka hadlay najiitada kulankaasi ay ka filayaan waxaanu yidhi “ Aqoontu inta aannu hayno oo kaliya maaha, raganimaduna inta aannu hayno oo kaliya maaha, waxaanu kulankan u qabanay in aanu aqoon idinka helno, tallo idinka helno, in aynu tusaale ka dhigno inaynu wax isku biirn karno, oo halkaa ka sii kordhino, dulucda iyo ujeedada kulanku intaas ayey daaran tahay. Waxaan rajaynayaa inay wax badani ka soo baxaan kulankan jaamacadaha ee aqoon is waydaarsiga, mar labaadna waan diin mahad naqayaa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories