HomeHARGEYSA: Ku Dhawaad 50 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka kacay Goob...

HARGEYSA: Ku Dhawaad 50 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka kacay Goob Waxbarasho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Sideed iyo afartan qof oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen Dab baaxaddiisa weyn tahay oo qabsaday Machadka lagu barto culuumta Diinta Islaamka ee Daarul Dacwa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska ee Caasimadda Hargeysa oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samata-bixiyey ardaydii ku xannibka xarunta dugsiga, kuwaas oo dhammaantood la gaadhsiiyay cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

blankArdayda oo isugu jirtay 40 dumar ah iyo 8 rag ah ayaa dhaawacyo ka soo gaadhen dabka qabsaday dugsigooda. Sida oo kale waxa dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska xilli uu ku gudo-jiray samata-bixinta ardayda ku jiray dhismaha dabku ka kacay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan
Sawaaxili, Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo gaadhay goobta dugsiga dabku qabsaday ku yaallo, ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan shacabka u soo jeediyeen inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo haddii Dab ka kaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada Ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadka Dacwa waxaa dhiganayay 250 arday xilliga dabku ka kacay, waxaanu ka kooban yahay Dhisme ka samaysan laba dabaq oo kala ah 20 qol iyo masaajid.

Ardayda dhaawacu soo gaadheen, waxay waxyeellada soo gaadhay ka dhalatay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, halka qaarkood ku neef-qabatoobeen qiiqii Dabka ka dhashay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories