HomeHargeysa: Komishanka Xuquuqal  Insaanka oo Qabtay Xuska Maalinta Xuquuqal Iisaanka Adduunka

Hargeysa: Komishanka Xuquuqal  Insaanka oo Qabtay Xuska Maalinta Xuquuqal Iisaanka Adduunka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Sanad kasta 10ka bisha Diisambaar dunida waxa laga xusaa maalinta xuquuqda aadamaha oo caalamiXuquuqal Insaan ahaan la isula qaatay, islamarkaana maanta ayaa Komishanka xuquuqal iisaanka qaranka Somaliland magaalada Hargeysa ku qabtay munaasibad lagu xusayo maalinta xuquuqal Iisaanka.

Waxaa munaasibaddaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha komishanka Fadxiya Jaahuur, xeer ilaaliyaha qaranka, wasiirka caddaaladda, xubno ka socda ururada bulshada ee arrimaha xuquuqda ka shaqeeya, xildhibaanno iyo dadweyne kale iyo waliba dad aragga iyo dhagaha ka naafo ah.

Nafiisa Yuusuf oo ku hadlaysay afka Ururada bulshada dadweynaha ku boorisay in qof walba dhawro xuquuda aadamaha, islamarkaana tixgalin gaar ah la siiyo dadka aanu laxaadkoodu dhammayn. Waxay tilmaantay inay muhiim tahay in cid waliba ka soo baxdo masuuliyadda saaran “Anigoo ku hadlaya afka ururada bulshada een ka mid ahay, waxaanu aniga iyo inta ila midka ahiba horena u samaynaynay dibna u balanqaadaynaa inaanu xuquuqaha bani’aadamka si isku mid ah oo siman ugu adeegno inshaa Allah,” ayay tidhi Nafiisa Yuusuf oo ka tirsan madaxda ururka Nagaad.

Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka maaliyadda oo munaasibadda ka hadashay ayaa tilmaantay in xuquuqda qof walba leeyahay Illaahay inoo sheegay, loona baahan yahay in la ilaaliyo “Inagu dad islaam ah ayaynu nahay, Diinteena ayaa inoo sheegtay in qof kasta oo bani’aadam ahi xuquuq leeyahay oo Illaahay baaba yidhi Bani’aadamka anagaa karaamaynay. Haddii aynu Akhrino Qur’aanka, wuxuu dhaafay ma jiro, haddaynu doonaynay inaynu xuquuq ilaalino qof walba Quraanka ha akhriyo halkaas buu ka garanayaa qof walba xuquuqda uu leeyahay,” ayay tidhi Marwo Samsam, waxayna intaasi ku dartay in umadda Muslimka ah ilaalintii xuquuqda iyo isu damqashada bani’aadamka ay kaga hor mareen Gaalladu.

Prof Cabdi Cali Jaamac, agaasimaha fulinta ee komishanka la dagaalanka AIDs-ka ayaa isna tilmaamay muhiimada ay leedahay tixgalinta dadnimada, isagoo walaac ka muujiyay tacadiyo lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDs-ka “Waxaanu la shaqaynaa dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka. Dadkaasi waxay u baahan yihiin xuquuqdooda inay helaan, xuquuqdoodana waa la dafiraa, waa la iska indho-tiraa waana lagu xadgudbaa. Maalin kasta waxa noo yimaada dad ooyaya oo waliba dumar u badan oo leh guryihii baa nalaga saarayaa marka la ogaado inaanu xanuunkii qabno oo guriga nooga baxa nala odhanayaa. Anagu mar walba dadka waxaanu ku wacyi galinaa inaan xanuunka lagu kala qaadin macaamilka caadiga ah, sida cudurada kale ee TB ka mid tahay, balse cudqada aynu ka qabno aawadeed ayaynu ku xadgudubnaa xuquuqdooda,” ayuu yidhi Prof Cali Jaamac.

Fadxiya Xuseen Jaahuur, guddoomiyaha komishanka xuquuqal Iisaanka qaranka, ayaa munaasibaddaasi ka sheegtay arrimaha ay ka qabteen arrimaha xuquuqal iisaanka “Komishanku wuxuu qabtaa dhammaan waxyaabaha la xidhiidha gefefka laga galo xuquuqda aadamaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo dadka dalka degan, iyadoon xeerarka dalka lagu xadgudbin,” ayay tidhi Marwo Fadxiya.

Guddoomiye Fadxiya Jaahuur, ayaa sheegtay in warbixinta komishanka ee xaaladdaha xuquuqal iisaanka la soo bandhigi doono dhammaadka sanadkan balse qodobo hordhac ah ayay carabka ku dhufatay “Komishanku wuxuu kormeeray 11 xabsi oo kala ah xabsi dhexe, 6 xabsi goboleed iyo 4 xabsi degmo. Komishanku wuxuu sanadkan kormeerya 45 saldhig oo ku kala yaala gobolada dalka, komishanku wuxuu kormeeray xarumaha waxbarashada, barakacayaasha iyo qaxoontiga, xarumaha caafimaadka, sida dhakhtarada dhimirka iyo cilaajyada, xarumaha agoomaha iyo xarumaha dhaqan celinta. Cabashooyinka komishanka xuquuqal iisaanka qaranka sanadkan 2015 soo galay waxay dhammaayeen 145 cabasho oo aanu dhammaantood ku dhammaynay sifo sharci ah. Waxaanu qabanay tababaro iyo wacyi galin aanu u samaynay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaanu u ololaynay sidii uu xeer u noqon lahaa xeerka ka hortaga Kufsiga, maadaama dalka kufsigu aafo weyn ku hayo. Waxaanu qabanay dood cilmiyeedyo ku saabsan tahriibka, dadka xanuunka dhimirka qaba iyo kufsiga,” ayay tidhi Marwo Fadxiya Jaahuur.

Ugu dambeyn wasiirka caddaaladda Axmed Faarax Cadarre iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa soo gabogabeeyay kulankaasi, kuwaasi oo tilmaamay muhiimada ilaalinta xuquuqda bani’aadamka. Waxay sheegeen in hanaanka caddaaladda dalku yahay mid ka soo raynaya, islamarkaana sharciga loo maro isqabqabsiga bulshada iyo cabashooyinka soo baxa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories