HomeHARGEYSA: Khasaare ka dhacay Iska-hor imaaad Rabshado Wata oo Dhexmaray Ciidamo Boolis...

HARGEYSA: Khasaare ka dhacay Iska-hor imaaad Rabshado Wata oo Dhexmaray Ciidamo Boolis ah iyo Shacab Gadoodsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Rabshado ayaa ka dhashay Hawl-gal Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ka fulisay Suuqa Ganacsi ee Jaamac-Gunti oo ku yaala degmada Ibraahim Kood-buur ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

SUUQAAfar qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahan oo uu sababay iska hor-imaad dhex maray Bilayska Dawladda Hoose iyo Dadweyne cadhaysan.

Bilayska ayaa isku dayay inay xoog ku raraan dad suuqaasi ku ganacsanayay, kuwaasoo diidmo kala hor yimi qorshaha Dawladda hoose.

Jaamac Gunti
SUUQA JAAMAC-GUNTI

Isku-dhaca Dadweynahan iyo Ciidanka booliska ayaa yimi ka dib markii ay ciidamada booliska Dawladda Hoose isku dayeen inay goobtaas ka raraan dadweyne hore loogu raray sariibad laga hirgeliyey Meel ku dhow Suuqa Jaamac-gunti oo uu leeyahay nin ganacsade, kaasoo dawladda hoose doonayso inay ku wareejiso Sariibadii hore ee Suuqaasi.

Ganacsatada bacad-yaalka ah ee Suuqa laga raray, ayaa ka biyo-diiday Lacag Xad-dhaaf ah oo ninkaas ganacsada ahi ku kireynayo Makhsinnada ay sariibaddaasi ka kooban tahay iyo xataa bannaanka ku horyaala sariibaddaas.

Hooyo ka mid ah danyarta bacad-yaalka ku ah suuqa Jaamac-gunti oo Somalilandpost.net u sheegay in ay Dawladda Hoose ku khaldan tahay inay ganacsatada u rarto meel uu leeyahay qof shacab ah oo faa’ido ka doonaya, isla markaana uu lacag xad-dhaaf ah kaga kireeyey wejahadda hore ee sariibaddaas meel bannaan ah.

jaamac-gunti
Khudrad la daadiyey

“Markii hore ee aanu halkan (Jaamac-Gunti) ku ganacsanaynay, wax lacag ah maanaan bixineyn, immikana meeshii bannaanayd ee sarriibadda horteeda ku taalay, ayaa kiro bixiya la yidhi. Waxay ahayd inay dawladdu noo rarto meel ay iyadu diyaarisay, laakiin may ahayn meel nin ganacsade ahi leeyahay oo uu kiraynayo inay noo rarto,” sidaas waxa tidhi hooyo Xaali Muuse oo ka mid ah jeeblayaasha bacad-wadatada ah ee ku ganacsada suuqa rabashadu ka dhacday maanta.

Dawlada hoose ee Caasimadda, ayaa hawl-galka ay saaka ku qaaday Suuqa Jaamac Gunti u adeegsatay Cagaf-cagaf iyo gaadiidka kale oo bannaynayey suuqaas oo cidhiidhi ku haya jidka laamiga ah ee dhexmara Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories