HomeHargeysa: Kaam Cusub oo Barakacayaal deggen yihiin oo ka Abuurmay deegaanka Naasa...

Hargeysa: Kaam Cusub oo Barakacayaal deggen yihiin oo ka Abuurmay deegaanka Naasa Hablood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxaa kaam cusub oo Barakacayaal ah ka samaysmay Naasa Hambool, kaas oo ay ku nool yihiin 750 qoys oo danyar ah.

Qoysaskan oo hore u daganaan jiray agagaarka Waran Cade ayaa ilaa rabataantii laftan qalalan daganaa, waxaanay degan yihiin wadada tagta xabaalaha Naasa Hablood, duleedka xarunta Horn Cable TV.

Sida ay noo sheegeen qoysasku—mar aanu booqanay—waa meeshii sadexaad ee ay ka dayaan hoy Hargeysa dhaxdeeda, meelahaas oo ay duruufo kala duwan uga guurayeen.

kaam cusub“Waxaanu daganayn jaakahan ilaa iyo rabataantii. Waxaanu markii hore kasoo guurnay oo aanu ka mid ahayn deegaanka Maxamed Mooge, balse waxaa halkaasna naga soo raray duruuf oo waxaanu soo dagnay Waran Cade”, ayay tidhi Cadar Duucaale Diiriye, ayay caruur agoon ah meesha ku korisa.

Cadar waxay noo sheegtay in mulkiilaha dhulkii Waran Cade ee ay daganaayeen—oo ahaa qurbo joog—in uu ku amray inay meesha iskaga guuraa, “dadbaa naga dhax shaqeeyay oo waxaa loo sheegey in aanu nahay dad dhul doon ah”, ayay raacisay Cadar.

Goysaskani marka laga tago goobta ay dagan yihiin oo dhul ahaan laf ah, waxay ka qatan yihiin dhamaan adeegii bulshadda, sida goob caafimaad, waxbarasho, IWM.

“Cid aanu caawimo ka helnay ma jirto intaanu meesha daganayn, hadii la dhaafi waayo waxaa noo dhisay suuliyo hay’ad ajaanib ah”, ayay tidhi Ikraan Maxamed Diiriye, hooyo haysata afar caruur ah oo agoon ah.

Xataa goysaska dagan meeshu waxay ka ooman yihiin biyaha daruuriga ah. “Biyaha waanu iibsanaa oo taangi ay nasiisay hay’adii musqulaha noo dhistayna waxaa ku shubta biyaha dugida xaafadda oo dib nooga iibisa”, ayay tidhi Ikraan.

Ikraan waxay noo sheegtay jerikaanka biyaha ah ee 20 litir qaada ah in laga siiyo lacag ugu yaraan 1,500 oo shilinka Somaliland ah. Qoysaskan ayaa quuta waxa yar ee kasoo gala Jayga guryaha laga dhisto oo ay deegaanka ka uruursadaan.

“Waxaanu kala soo baxnaa qutul daruuriga Jayga oo aanu ka shaqaysanaa, maalina waa lagaa iibsanayaa maalina waad waayaysaa”, ayay tidhi Ikraan. Jaygaas oo lawdhkii laga siisto 120,000 ilaa 130,000 oo shilinka Somaliland ah, dahay buuxiyaan lawdhka.

Isku soo wada duuboo, qoysaskan waxaa ka muuqday jiif aad u xun—caruur ah ka muuqato daryeel xumo iyo guryo cariish ah oo qaarkood dumeenba.

Kaamkan barakacayaasha ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee Hargeysa ka samaysma, waxaanay tusaale u tahay sixir bararka maalinba maalinta kasii danbaysa cirka isku shareeraya iyo baahda baahsan ee dalka ka jirta ee sii muquurinaysa waliba danyarta.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories