HomeHargeysa iyo Bandhigga Hal-abuurka! – W/Q: Saddam Carab

Hargeysa iyo Bandhigga Hal-abuurka! – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Saddaam CarabSida bilaha iyo maalmaha, mirirrada iyo saacaduhu u kala barako badan yihiin ayey goobaha laftoodu na u kala ayaan badan yihiin. Goobtu waa Hargeysa – Hooyadii fanka oo mar kale casriga hal-abuurka hillaaciisu iftiimiyey- goortuna waa Jimce Barkhadle iyo 16ka Ogos ee sannadda 2013 iyo Guriga Shaqaalaha. Amar Ilaahay subaxdaa, jawigu wuu roobbanaa, waxaan maleeyay mayaygii dhulka maasheeyay in aanu kaliya deeq u ahayn noolaha, laakiin uu bandhigga hal-abuurka Hargeysa laftiisu qayb wayn ku lahaa roobkaa habeenkii furitaankiisa ka horreeyay magaalada biyo dhigay. Waayo wuxuu jawi qurux badan gayeysiiyay madasha iyo intii ka soo qayb gashay. Toddobaad dhiig joojin ah iyo tallaal loo wada baahan yahay ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray, ummadduna ku soo jabtay subaxdaas.

In badan ayey dadku sheegaan mugdiga xoogga badan ee akhriska iyo qalinka ee bulshada Soomaalida idil ahaan hadheeyay in uu dhaxalsiin karo af-rogan iyo hagaas aan laga soo waaqsan karin. Waxaana aafadaas lagu suureeyaa sida gabbal baas oo madow oo u dumay islaan da’ ah oo habeeno leh oo talax gab ah. Waa la garan karaa duqdaasi in ay laba xaaladood oo halis ah u dhaxayso, midda hore in ay bahalaha hebeenkaas meeraya ee dadqaadka ah ay u bandhigan tahay, iyo midda kale haddii ay bahalaha ka nabad gasho in aanay ka aamin ahayn abuurta kale ee dooxooyinka iyo boholoha iyo dhirta iyo waxa kale ba lihi in ay malgi karaan. Taas ayaa lagu suureeyaa bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha heerkooda akhriska iyo qoraalka iyo mustuqbalkooda.

Waxa se baryahan dambe mugdigaas habeenka lagu sifeeyay dhexdiisa ka soo ifaya ilays iyo ilaysyo! Ilays akhris iyo qoraal iyo kayd ayaa la arkayaa, oo kala jaad jaad ah. Waxay noqdeen kuwo bulshadu ku diirsato oo dareen yididiilo galiyey ama nafo bixi lahaa oo kale soo  nooleeyay. Laakiin nasiib darro waxaad mooddaa in dalalka shisheeye oo Soomaali badani nafaha iyo ubadka kula yaaceen cadaabihii sokeeye ka dib, in nalalkaas badankoodu ka ifayaan oo loo raray dhulalkaas!  Waxa se yaab leh in lixdii sano ee u dambeeyay uu tooshka iyo nalka u wayni ka iftiimay Hargeysa oo marka horeba lagu naanaysi jiray “hooyada fanka Soomaaliga”! Sidaas uu uga waynyahay iyo hoygiisa oo uu joogo ayaa keenay in uu ka wax soosaar iyo saamayn bato kuwa qurbaha iyo dalalka shishe lagu qabto.

Waa Badhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa! Ma se aha imika buug oo kali ah waxa lagu soo bandhigayaa. Way ka ballaadhan tahay intaas. Waa jaadadka hal-abuurka oo idil! Waxa lagu soo bandhigayaa Eray qoran, doodo cilmiyeedyo, Gabayo, Sawirro iyo Farshaxan, iyo Hal-abuur kale oo badan. Markaas ayey naftaydu igu tidhi waxaad odhan lahayd “Hargeysa iyo Bandhigga Hal-abuurka”! Sidoo kale waa toddobaadka yididiillada iyo dhiigjoojinta iyo beenaynta malaha iyo saadaasha xun. Sannadkiina hal mar oo kali ah ayaa la arkaa Iftiinkan! Qushiye halkaas mar inta la tarminayo isagaan wax loo dhigaa jirin.

Haldoorka ummadda ee fanka iyo suugaanta iyo hal-abuurka da’da yar ee u jeellan in ay kuwaa hore rarka kala wareegaan ayaa ku kulmay oo ay kulmisay goobtu. Hadraawi iyo Xasan ganey, Siciid Jaamac iyo Siciid Saalax, Xasan C. Madar iyo Maxamed Xirsi, Axmed I. Cawale iyo Maxamed C. Da’ud,  Cabdilahi Cawd iyo Cabdale Xaaji, Mary Harper iyo W.N.Harbert, Afrax iyo Cartan, Chumo Nwokolo iyo Hamish Wilson iyo Tobannaanka kale ee Soomaalida iyo Soomali ma ahayaasha ah ee Hal-abuurkooda keenay waa la garan karaa waxay waxtar la iman karaan iyo waxa ay kala noqon karaan labadaba. Waxaaba lagu sheegayaa in uu yahay Bandhigga Geeska Afrika ugu ballaadhan ama midi ka ballaadhan yahay! Waana Ilaahay mahaddii. Laakiin malaha way yartahay inta innaga mid ah ee ku dareensan waxtarkaas iyo horumarkaas Hargeysa ka ifaya?! Runtii  waxa innooga dareen iyo dhugmo badan ajaanibka goobta jooga! Saw kaaf iyo kala dheeri ma nihin!!!

Waxaynu leennahay waabaa baryey, bilicsan! Waxa uu waagaasi la baryey boqollaal buug oo Af-Soomaali ku dhigan oo madasha yaallay, waxa uu la baryey boqollaal dhallin yaro ah oo baratan ugu jiray ka soo qayb galka madashaas iyo buugta la keenay, waxa uu waagaasi la baryey boqollaalka da’da yar ee hal-abuurkooda sheellani ku soo shaac baxay ee maanta ba baratanka la gali kara ummadaha kale! Waabaa baryey oo wuxuu la baryey tababarrada laga aqoon korodhsaday iyo fursadaha la isu siiyey haldoorka iyo bulshada inteeda kale in ay kulmi karaan oo sheekaysan karaa.

Ma hawl yara qabanqaabada bandhig caynkan ahi oo wuu hawl badan yahay, waxa bogaadin Mudan Jaamac Muuse Jaamac oo agaasinka iyo hoggaanka barnaamijka ah iyo tobannaanka kale ee u ah garbaha uu ku duulayo ee la wada hawsha. Aynu dhammaanteen ku taageerno samaha iyo waxsoosaarka oo aynu nidhaahno “Hore u wada hayaanka”.

Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories