HomeHargeysa: Imaam Masaajid oo ka badbaaday Isku-day Dil Fool-Xun oo lala beegsaday

Hargeysa: Imaam Masaajid oo ka badbaaday Isku-day Dil Fool-Xun oo lala beegsaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xisbigaHARGEYSA (SLpost)- Waxa shalay Isku-day dil oo fool-xun ka badbaaday imaamka masaajid ku yaala Suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, kaddib markii nin Baatrool iyo Dab sidaa ugu galay masaajidka xilli loo diyaar-garoobayey Salaaddii Duhur ee shalay.

Ninka weerarka geystay oo sita Baatrool iyo Leetar, ayaa la sheegay inuu gudaha u galay Masaajidka xilli ay dadku u diyaar-garoobayeen Salaadda Duhur, isaga Baatroolkii uu sitay oo caagad ku jiray la dul-tagay goobtii uu fadhiyey Imaamka, dabadeedna uu baatroolkii ku daadiyey Sheekha iyo dadkii fadhiyay safka ka dambeeya Imaamka. Balse nasiib wanaag, dadweynihii ku tukanayey ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka qaaday oo aanay noo suurta-galin inaanu magaciisa helno.

“Markii uu baatroolkii sidaas ugu daadjiyey safkii hore ilaa meeshii Sheekhu fadhiyey, ayuu la soo baxay leetar uu sitay. Laakiin, Illaahay waa Xag-soore’e, leetarkiibaa u bixi waayey oo kolba wuu ku cel-celiyey, laakiin markiiba dadkiibaa ka gaadhay oo la qabtay,” sidaas waxa wariye Himilo ka tirsan u sheegay qof ka mid ah dadka Meheradaha ku haysta agagaarka Masaajidka oo xilligaas ku tukanayey Masaajidka.

Masaajidka falkani shalay ka dhacay oo ku yaala Wejahadda Koonfur-Galbeed ee Aqalka Xisbiga, ayaa ah Masaajid baaxadda dhulka uu fadhiyaa kooban tahay, wakhtiyadii horena ahaan jiray dusha sare bannaan, balse immika dhismihiisa la dhammaystiray.

Dadweynihii ku tukanayey masaajidka, ayaa isla markiiba u gudbiyeen Rugta booliska ee ku taala Aqalka Xisbiga, kaas oo markii dambe isu-dhaafiyey saldhigga Booliska ee Dalooldho.

Lama oga sababta ninkan ku kalliftay weerar cadaawadda leh ee uu masaajidka ku qaaday, waxaana la noo sheegay inaanay jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Imaamka masaajidka, haseyeeshe qaar ka tirsan dadweynaha meheradaha ku leh nawaaxiga Masaajidka, ayaa sheegay in ninka oo da’diisu lagu sheegay Soddomeey uu ka tirsan dadka xoogsatada ee ka shaqaysta Suuqa Gobonimo.

Weriyaha Wargeyska Himilo goobta falku ka dhacay, ayaanay u suurta-glin inuu la kulmo Imaamka masaajidka ee ninkani bartilmaameedsaday.

Taliyaha Saldhigga Dalooldho ee magaalada Hargeysa oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in maalinta Berri ah Maxkamadda la hor-geyn doono Ninka dambiga loo haystay isla markaana lagu qaadi doono dambiga uu geystay.

Dadweynihii ku sugnaa masaajidka iyo intii kale ee dhacdadan ka war-heshay ayay fejeciso iyo yaab ku noqotay dhacdadan oo aanay hore u maqal.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories