HomeHARGEYSA: Hablo ka Qalinjabiyey Curitaanka Ganacsiga ayaa Loo Maalgalisay Meherad Ganacsi oo...

HARGEYSA: Hablo ka Qalinjabiyey Curitaanka Ganacsiga ayaa Loo Maalgalisay Meherad Ganacsi oo Casri ah

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost):-Afar hablood oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda ATU Qaybta Curitaanka iyo Maareynta Ganacsiga (Entrepreneurship) ayaa January 17, 2016 furay Meharadda casriga ah ee Sharaf Boutique.

Hablahan oo hore ugu guuleystey tartanka abuurista ganacsiga oo ay iska kaashadeen ATU, Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Hay’ada UNFPA. Mashruucan waxa xadhiga ka jaray Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir, goob joogna waxa ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Xusseen Dhabeeye, Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Axmed Xuseen Ciise iyo masuuliyiin kale.

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo faahfaahin ka bixiyey taariikhda mashruucan ayaa tilmaamay inuu yahay kii 4aad ee ardaydii ka qalanjbisay kuliyadda Mareeynta Ganacsiga ee ATU ay furtaan iyada oo isna dhawaan la furi doono kii 5aad.  Waxa kale oo uu xusay in mashruucaa ay ku baxday lacag dhan $25,000, wuxuuna u mahadnaqay Wasaaradda Dhalinyarada  iyo Hay’ada UNFPA ee kala shaqaysay.

Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Marwo Shukri Xariir oo furitaankii  xafladdda ka jeedisay khudbad taabanaysa dhinacyo badan oo ku amaantay cid kasta oo gacan ka geysatay hirgalinta mashaariicdan da’yarta, gaar ahaan gabadhaha, fursado ganacsi loogu abuurayo. Marwo Shurki oo ka hadashay sida ay xukuumad ahaan had iyo jeeraale dadaal loogu jiro sidii dhalinyaradda shaqooyin loogu abuuri lahaa. Waxay sheegtay marwo Shukri in ganacsiyadda noocan oo kale ahi ay horseedayaan in shaqaalaysiinta door weyn ay ka qaataan, taas oo hoos u dhigi karta tahriibka waayaddan danbe dalka ku sii badanaya. Waxay kale oo xustay marwo Shukri ka dawlad ahaan ay dhiirigalainayaan mashaariicda noocan oo kale, iyadoo ay ku amaantay Jaamacadda Abaarso Tech siday ay iskaga xil-saaraan shaqo-abuurka dhalinyaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Mud. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, oo hadalo mahad-celin iyo bogaadin ah u jeediyay Jaamacadda Abaarso Tech iyo dhalinyaradda ganacsiga loo abuuray. Waxaanu Agaasimahu sheegay sida ay qaranka ugu go’an tahay sidii dhalinyaradda shaqooyin loogu abuuri lahaa, mashaariicdana ay wax ka tarayaan siyaasadda guud ee qaranku ka leeyahay arrintan. Waxaanu kula dardaaramay dhalinyaraddan ganacsiga loo sameeyay oo tiradoodu dhammayd 4 gabdhood inay ilaashaddaan, kuna dadaalaan sidii ay u sii horumarin lahaayeen, isagoo ku tilmaamay inay noqon karaan kuwo lagu daydo.

Waxa iyaguna xafladda ka hadlay Shurkri Jaamac Faarax iyo Ruqiya Maxamuud Daahir oo ku hadlayay afka dhalinyaradda ganacsiyadda loo maalgaliyay, ayaa ka warbixiyay dukaankan “Sharaf” oo iibin doona taashashka, cabaayaddaha, kabaha iyo agabka kale ee haweenka, sidii ay ugu dhalatay  fikradda ganacsi iyo wakhtigii ay ku qaadatay, iyo siday u tahay mid wakhtigan loo baahan yahay, baahi weyna loo qabo, iyagoo sheegay in lagu maalgaliyay lacag gaadhaysa $6000. Waxay kale oo halkaa ka sharaxeen qaabka u u u shaqaynayo iyo sida ay badeecadda u iib geynayaan, una soo jiidan karaan macaamiil badan, iyagoo dabaqi-doona aqoontii ay soo barteen. Waxay sidoo kale u mahad-celiyeen Jaamacadda Abaarso Tech maamulkeeda iyo macalimiinteeda sidii ay fikradoodii muddada dheer ay ugu hamiyayeen uga dhigeen mid muuqata oo shaqaynaysa.

Munaasibaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, kana qabsoontay xarunta meheradda Sharaf oo ah mid ka mid ahaa  goobahaas ganacsi, isla markaana ah tukaan lagu iibin doono dharka dumarka sida taashashka iwm, ayaa isna waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech oo ka sheekeeyay maraaxilkii uu soo maray mashruuca maalgalinta ganacsiyadda yaryar oo jaamacaddu muddo ay soo wadday, kuwaas oo ay ka faa’idaysteen dhalinyaro badan, iyadoo fikraddaha ganacsina ay yihiin kuwo maskaxdooda ka soo baxay, markii la qiimeyayna la ogaaday inay yihiin kuwo meelmar ah, isla markaana ay guddi khubaro ahi ayka soo shaqaysay kala xulida iyo kala-saaridda dhalinyaradda fikradahoodu guulaysteen. Guddomiyahu wuxuu intaa ku daray, in Jaamacad ahaan aanay ku eekayn uun sidii dhalinyaradda wax loo bari lahaa, balse loogu daro sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa, taas oo wax weyn ka taraysa horumarka guud ee qaranka iyo sidii loola dagaalami lahaa tahriibka. Jaamacadda Abaarso Tech ayaa haatan wadda mashruuc kale oo dhalinyaradda wax-baratay shaqooyin iyo ganacsiyo loogu abuurayo. Waxaanu ku amaanay gabdhaha ganacsigan, oo tukaan iibin doona dharka dumarka, inay yihiin hablo dadaal badan uu kuna kalsoon yahay inay ka midha-dhalin doonaan yoolkooda ah inay ku biiraan ganacsatadda waaweyn ee dalka.

Jaamacadda Abaarso Tech ayaa mashruucan ganacsiyadda yaryar loogu abuuray soo wadda muddo 2 sanno iyadoo ganacsiyadaas lagu maalgaliyay lacag gaadhaysa $25,000 oo doolar, iyadoo ay ka faa’idaysteen 25 dhalinyaro ahi, kuwaas oo loo abuuray ganacsiyo kala duwan Mashruucan ayaa ahaa markii ugu horraysay ee jaamacadi dalka ka hirgaliso mid noociisa oo kale ah. Mashruucan ayaa ay maalgalisay hay’adda UNFPA iyadoo ay gacan ka geysanaysay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaarahu.

HABLIHII HARGEYSA

Shugri Xariir Daahir

NUURA CAASHA

NEERO

Somalilandpost.net

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories