HomeHargeysa: Guddiga Dabar-goynta Mukhaadaraadka oo Kulankii u horeysay yeeshay iyo Doorka Wasaaradda...

Hargeysa: Guddiga Dabar-goynta Mukhaadaraadka oo Kulankii u horeysay yeeshay iyo Doorka Wasaaradda Fiinta iyo Aw-Qaafta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa furay shirkii u horreeyay ee ay yeeshaan Guddida Wacyigelinta iyo la-dagaallanka Mukhaadaraadka Somaliland, kuwaas oo Wasaaraddu Magcawday horraantii sannadkan 2020.

blankKulankaa oo maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ka sokow Wasiirka waxaa ka qayb-galay Agaasimaha Wasaaradda Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Garyaqaan Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal iyo tobban xubnood oo guddidu ka kooban yahay.

Guddigaas oo marka hore ku bilaabantay Xubno isugu jiray Culimo, aqoonyahan, wax-garad iyo madax-dhaqameed, ayey Xukuumaddu garwaaqsatay, isla markaana dhaqaale ay ku hawlgeli doonaan ugu dartay miisaaniyadda 2020-ka, iyadoo sidoo kalena dib u habayn iyo magacaabis rasmi ah wasaaraddu ku samaysay.

Wasiir Khaliil oo hadal ka jeediyay kulankaas, ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeeddada kulanka iyo ahamiyada ay guddidu u leeyihiin qaranka, “Marka dhinaca Diinta laga eego waa arrin culayskeeda leh in Ummadda laga badbaadiyo dhibataada.” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu, waxaanu xusay in ay lagama maarmaan tahay in la garab-istaago guddidaas dedaalkooda iyo hawsha ay muddada soo wadeen, isla markaana la waafajiyo siyaasada Xukuumadda iyo sharciga.

Sidoo kale, Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in loo baahanyahay Guddidu, iyagoo kaashanaya Ciidamadda Booliska in la helo xog dhab ah iyo daraasado xaqiijinaya meelaha ay mukhaadaraadku kasoo galaan dalka Somaliland, waxaanu tilmaamay in dadka ajaanibka ah ee dadka ku sugani ay qayb ka yihiin marinnada fududeeya soo gelitaanka mukhataraadka noocyadiisa kala duwan.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo dhankiisa hadal ka jeediyay kulankaas, ayaa yidhi; “Sharaf ayay noo tahay innaan kulankan oo Wasiirku guddoominayo isugu nimaadno Guddiga oo ah Wacyigelinta la-dagaallanka iyo dabar-goynta mukhaadaraadka, waxay kasoo bilaabantay Culimo, Aqoonyahan iyo Waxgarad iskood isu xilqaamay oo ka dhiidhiyay arrintaa mukhaadaraadka, Xukuumadduna ay gar-waaqsaqtay oo u diyaarisay sannadkan 2020, in loo sameeyo miisaaniyad ay ku hawlgalaan.”

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, wuxuu madasha kulankaa ka sheegay in Garyaqaanka Guud ee Qaranku sharraxayo qaabka ay Guddidu u hawlgelayo iyo sharciga ay ku shaqaynayaan.

Dhinaca kale, markii uu soo dhammaaday shirku, waxa Warbaahinta faah-faahin ka siiiyey qodobbada lagaga dooday iyo waxa la iskula qaatay Af-hayeenka Guddida Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Al-Baani ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, waxaanu sheegay in kulankaas lagu falanqeeyay sidii guddida iyo wasaaraddu u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana dabagal joogta ah loogu samayn lahaa fulitaanka qorshayaasha guddida la dagaallanka Mukhaadaraadka. “Waxa laysku raacay qorshe hawleedkii sannadka 2020, waxaana iska kaashanaya Guddiga iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo laamaha amniga oo kaashanaya dadweynaha.” ayuu yidhi, Sh. A-lbaani.

Afhayeenka Guddiga, ayaa ku amaanay Xukuumadda sida ay dedaal ugu samaysay yagleellida Guddiga iyo sidii qorshe miisaaniyadeed oo ay ku hawlgalaan loogu samayn lahaa, waxaanu Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda ku ammaanay siday u sameeyeen wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka la-daagallanka Mukhataraadka, isla markaana loogu gudbiyey Golaha Baarlamaanka oo naaqishaad ka dib la rejaynayo inay dhawaan ansixiyaan xeerkaas.

Guddigan oo uu dhawaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland magacaabay, ayaa laga filayaa waxqabad la taaban karo oo la xidhiidha ka wacyigelinta Bulshada ee isticmaalka maandooriyeyaasha iyo dabar-goynta guud ahaan muqadaraadka kala duwan ee dalka la soo geliyo oo isticmaalkoodu ku batay da’yarta Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories