HomeHARGEYSA: Guddida Wanaag-farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo qab-qabtay Sixiroolayaal dhaqan-xumo...

HARGEYSA: Guddida Wanaag-farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo qab-qabtay Sixiroolayaal dhaqan-xumo ku aafeeyey Haween badan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Wanaag farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa qab qabtay Sixiroolayaal aan haybtooda la garanayn oo dhaqan xumo iyo Diin la’aan u horseeday Qoysas badan oo Reer Hargeysa ah, kuwaas oo ku kacay falal gabood fal ku ah sharafta iyo dadnimada Haween badan oo la macaamilay.

Sixiroolayaasha oo lab aka mid ah lagu soo qabtay Xaafada Daami iyo Kililka Shanaad (Sh Nuur) ayaa la sheegay in ay muddo sanado ah kaga shaqaysanayeen Hargeysa qaab Cilaaj, waxaana lagu soo waramayaa in lagu soo qabtay Cajalado ay iska duubeen oo la sheegay in ay guryahooda yaaleen kadib markii uu si qarsoodi ah uga soo xaday nin la sheegay in mid ka mid ah Sixiroolayaasha uu gurigiisa ugu samaynayey Telefishan ka xumaaday.

Illaa hada Xukuumadda Somaliland iyo Guddida wanaag farista midkoodna kamuu hadal dhacdadan hase yeeshee wararka hordhaca ah  ayaa sheegaya Sixiroolayaashan in ay ku jireen guryo ka waaweyn am aka qurux badan guryaha ay galaan masuuliyiinta Somaliland, iyagoo la sheegay dhaqaalaha ay ku samaysteen in ay ka urursadeen Haweenka ay duufsadeen kooxdan oo u muuqda in ay faleen.

Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan in ay samaysteen Askar la sheegay in ay ka tirsan yihiin Booliiska kuwaas oo ay kiraysteen isla markaana ka ilaalin jirtay cid kasta oo isku dayda in ay faragaliso hawlaha dhaqan xumada ah ee ay wadaan.

Wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya guryaha ay nimankani deganaayeen ee laga soo qabtay in ay bar kulan u ahaayeen haween badan oo isugu jiray Xaasas iyo Gabdho dhalinyaro ah, kuwaas oo ay u shidi jireen cajalado Qur’aan ah, halka Sixiroolayaashani ay ka yihiin sida ay dadka la jaarka ahi ku soo warameen Diin iska daaye in aanay Eray ka aqoon Qur’aanka ay dadka ku khiyaamaynayaan.

Ninka fashiliyey labada nin midkood oo ah ka laga soo qabtay xaafadda Daami ayay dadka jaarku sheegayaan maalintii ugu horaysay ee xaafada lagu arko in uu qaawanaa oo aanu xataa kabo xidhnayn, iyagoo sheegay in uu soo raacay nin ka mid ah dadka xaafadda degan, kaasoo markii danbe iska eryey, hase yeeshee waxa uu degay jiingad yar oo ku dhex taala xaafaddaasi oo aan ka fogayn, halka uu markiiba ka kiraystay guri shan makhsin ah oo cusub, halkaas oo uu ka faraqabsaday markiiba.

Talaabada Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Guddida Wanaag faristu sida wadajirka ah u qaadeen ayaa ku soo beegmaysa maalmo kadib markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay in ay dalka ku soo kordheen falal dhaqan xumo ah, isagoo u saaray guddi Heer Qaran ah oo talaabo ka qaada qofkii lagu qabto.

Sheekh Maxamed Maxamuud Xiiray oo ah guddoomiyaha Guddida wanaag farista oo aanu Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay ilaaliso dharafta dadweynaha Reer Somaliland, isagoo ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto mushkiladaha Cilaajyada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Goobaha lagu qaldayo bulshada isla markaana Haweenku u nugul yihiin.

Sidoo kale, guddida Wanaag farista oo sameecado kula wareegayey xaafadaha mashaqadani ka dhacday ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay ka foojignaadaan isla markaana ka fogaadaan Dad dhaqankooda, Diintooda iyo Xoolahoodaba ku fasahaadinaya, iyagoo ku booriyey in ay soo sheegaan meelaha falalka caynkan oo kale ahi ka jiraan ee magaaladda ka jira.

XIGASHO: Wargeyska Waaheen

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories