HomeHargeysa: Golaha Deegaanka oo dhagax-dhigay Machad Saxaafadda lagu baranayo oo lagu maamuusay...

Hargeysa: Golaha Deegaanka oo dhagax-dhigay Machad Saxaafadda lagu baranayo oo lagu maamuusay Halyeygii Xorriyatul-qowlka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Xildhibaannada golaha deegaanka Caasimadda oo uu hor kacayo Maayarka Caasimadda, ayaa maanta dhagax-dhigay dugsi cilmiga saxaafadda lagu baran doono, dugsigaas oo loogu magac-daray laguna maamuusay Alle ha u naxariistee Xoghayihii hore ee Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo horaantii sannadkan u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay shil-baabuur.

Munaaasibad dhagax-dhigga dugsiga loogu qabtay goobta laga hirgelinayo oo ku taala Xaafadda New Hargeysa isla markaana ay hadallo jeediyeen inta badan xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa, waxa baaqyo looga jeediyey hay’adaha saxaafadda la shaqeeya, hay’adaha warbaahineed dalka iyo Xukuumadda oo loo soo jeediyey inay inay dhismaha xarunta ka qayb-qaataan.

golaha (2)Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), waxaan“Maanta oo ay bishu tahay 23, waxaan dhagax dhigaynaa dugsi saxaafadda wax lagu baro oo aanu ugu magac darnay Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, waxaana doonayaa inay dhamaan ka qaybqaataan saxaafadda iyo hay’adaha la shaqeeya iyo waliba wasaaradda warfaafinta waa in dugsigaasi la garab gallaa oo sidii loo dhisii lahaa cid walba u dadaasho”.

Maayarku waxa uu sheegay in goobta dugsiga laga siiyey tahay goob waxbarashadda ku haboon, isla markaana ku taalla badhtamaha magaladda oo cid walba ka soo gaadhi karto, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “goobtani waa badhtamihii Hargeysa, waxaana dhinacyadda ka kala xiga Maroodi jeex hoteel iyo Hoteel Kaah, meeshuna waa dantii guud ee laga jaray beerta Ilmo Qawdhan, waana meel ay cid walba soo gaadhi karto oo cid walba iman karto, waxa kale oo aan dhagax dhigi doonna garoonkii kubadda cagta ee dhalinyartu ku ciyaari doonto”,

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cago weyne) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Goobtan wanaagsan ee istaraatiyadda ah ee aan saxaafadda ugu tallogalnay waa goob ku taala magaalada badhtankeedii oo cid walba so gaadhi karto, waa meel inamada bilaa baabuurta ahi iman karaan.”

Xildhiban Maxamed Caalim Tima cadde, ayaa yidhi, “Dhulkan waxaan u hibaynay saxaafadda waxaana ugu magacdarnay Marxuum Maxamed Rashiid sababta ugu bixiyey waxa weeyi waa ninkii ugu horeeyey ee anigoo guddoomiyaha dhulka ah codsi iila yimid ee yidhi na sii goob aanu ka dhisno dugsi ay saxaafadda wax ku barato, sidaa daraadeed mar haddii ninkii dhintay oo aanu inala dhagax dhigeen oo uu inaga hooseeyo waxaan caqligayga ka keenay in aan anigu u bixiyo Maxamed Rashiid.”

Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa isna yidhi, “in badan baanu maqalnay jaamacada la dhagax dhigayo, ama garoomo la dhagax dhigayo,laakiin dugsi saxaafaddu leedahay o la dhagx dhigayo waa kii kowaad, waxana la dhagax dhigay meel ku haboon oo dhinac walba magaaladu ka xigto.”

Xildhibaan Cabdi Haybe oo isna ka mid aha mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda, waxa uu yidhi,“Halkan waxaanu maanta ku dhagax dhignay iskuul saxaafadu wax ku baran doonto, waxaana goobtan laga dhisayaa laba garoon iyo dugsigaasi saxaafaddu leedahay”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaano kale, kuwaas oo soo dhoweeyey dugsigan waxbarashadda ee cilmiga saxaafadda lagu baran doono, kaas oo noqon doonna kii ugu horeeyey ee laga aasaaso magaaladda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories