HomeHargeysa: Go'aamo ka soo baxay Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Axsaabta Siyaaadda iyo...

Hargeysa: Go’aamo ka soo baxay Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Axsaabta Siyaaadda iyo Komishanka Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa habeenimadii xalay kulan muhiima qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ku yeeshay madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Kulanka ayaa daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo madax-dhaqameed ka socda gobolada Barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku, kana bilaabmay gobolada Galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in diiwaangelintu Maalinta Axadda ka bilaabmanto gobollada Bari ee dalka.

blankMadax-dhaqameedka gobollada Bariga ayaa xukuumadda, Axsaabta siyaasadda iyo Komishanka Qaranka u soo gudbiyey in wax laga beddelo jadwalka diiwaangelinta sababo la xidhiidha xaaladda abaarta ka taagan xilligan gobollada Bariga oo dadka reer Guuraaga ahi ay ka hayaameen deegaannadooda, una guuray deegaamada roobban.

Kulamadaas hore waxa lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Kulanka xalay ayaa markii uu soo dhammaaday waxa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay Madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo sheegay inaanay xilligan suurta-gal ahayn wax ka beddel lagu sameeyo jadwalka diiwaangelinta codbixyeyaasha ee gobollada Bariga dalka loo asteeyey, kuwaas oo ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta oo la filayo inay bilowga toddobaadkan ka qabsoonto gobolladaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo ugu horeyn ka hadlay go’aamada ka soo baxay kulanka, ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen inaan waxba laga beddelin jadwalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha isla markaana doorashadu qabsoonto wakhtigii loo muddeeyey.

blankGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cadiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isaguna dhinaciisa ka hadlay go’aamada kulanka ka soo baxay iyo sababaha kallifay wax-ka-beddelka Jadka diiwaangelinta ee loo gudbiyey guddiga Doorashooyinka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa dhankiisa faahfaahiyey arrimaha layskula qaatay iyo sida ay axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka uga wada-hadleen codsiga wax-ka-beddelka jadwalka ee ay soo gudbiyeen Madax-dhaqameedka gobollada Bari.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac oo ugu dembayntii halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in kaddib markii laysla eegay, axsaabta siyaaddana kala tashaday codsigaas ay go’aamiyeen inaan waxba laga beddelin Jadwalka wejiga 2aad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo hore loo muddeeyey.

Muuqaalka waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Hadallada ay madasha ka jeediyeen masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories