HomeHargeysa: Ganacsade Buriyey Go'aan ka soo baxay Xukuumadda

Hargeysa: Ganacsade Buriyey Go’aan ka soo baxay Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Cali Ibraahim Ciise (Cali-Waraabe), oo ka mid ah Ganacsatada shidaalka dalka keenta ee dhowaan xukuumadda Somaliland kala wareegtay Haamaha Shidaalka Berbera, kadina horaantii Septemeber lagu war geliyay in aanay shidaal keenin dalka, ayaa beeniyay wareegtada xukuumadda ee ku taariikhaysan 1 Sep 2019.

Wareegtadaa oo kasoo baxday Xafiiska Berbera Oil Terminal, isla markaana uu ku saxeexnaa Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, Xasan Axmed Ambasiy ayaa lagu socodsiiyay Ganacsatada Shidaalka, isla markaana waxa ogaysiin lagu siiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga Wersheddaha iyo Dalxiiska, waxaana lagu ogaysiiyay ganacsatada shidaalka in dowladdu la wareegtay keenista shidaalka halka dhamaan ganacsatadda keeni jirtay shidaalka loo ogol yahay in ay iyagu ka iibsadaan dowlada ka dibna shacabka ka sii iibiyan.Markii uu soo baxay go’aanka Xukuumaddu kula wareegay keenista shidaalka, waxa soo baxay doodo kala duwan oo inta badan xukuumadda ku taageeray tallaabada ay qaaday, waxaana markiiba hoos u dhacay qiimaha shiidaalka lagu iibiyo ee dalka, balse qaybo ka mid ah Bulshadda ayaa tallaabada xukuumadda ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo laga leeyahay ujeedo kale, iyadoo shirkaddaha shidaalka ka ganacsada aanay soo dhwayn arrintan.

Hase yeeshee Ganacsade Cali Ibraahin Ciise (Cali Waraabe) oo ka mid ah ganacsatada shidaalka iyo maamulka Haamaha ay horre ugu wareejisay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aan la marin nidaam tartan, ayaa mar uu maanta la hadlay Telefishanka HCTV, wuxuu si cad u beeniyay Wareegtada xukuumadda, isla markaana wuxuu qorshaha xukuumadda ku tilmaamay mid aan waxba ka jiirin.”
Ganaxsade Cali Waraabe.

blank

Waxa uu dhaliilay Axsaabta Mucaardka iyo Salaadiinta arrintaa ka hadlay, isagoo ku tilmaamay kuwo war been ah ka hadlayay, “warkaa oo ah waa war been ah, ayay xataa Xisbiyadii Mucaaradka ahaa faa’ido ka dhigteen, kuwa Suldaan dgaqameed ah oo war Been ah ka hadlayana waan arkayay. warkaana waa in xaqiiqdiisa la hayaa, Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Dawladdu shirkad shidaalka ka iibinay Ethiopia ay la hadleen oo heshiis la galeen, balse u sheegeen in aan iyada loo xidhayn, hadaadse haamo noo dhisaysaan waxa fiican inay ganacsatadayadu idinka idinka iibsato, waase marka ay qiimaha keenaan kiinana la arko, mar walbana qiimaha jaban ayaa la raacayaa, ayuu nagu yidhi, Madaxweynuhu markii aanu la kulanay.” ayuu yidhi Cali Waraabe.

 

“Madaxweynaha Afkiisa kama hayno dawladdaa shidaal keenay, waxaanu ka cabanay Waraaqaha soo baxy ee nasloo soo qoray, wuxuu noo sheegay in waraaqahaa aanay ahayn wax weyn ama wasiir ha qoro, ama Maareeye ha qoro, ama anigu aan qoro ee wixii uu hada aan idinku idhaahdo ayaa soconayaan, ayuu nagu yidhi, Madaxweynuhu.” sidaa waxa yidhi, Cali Waraabe oo ka hadlayay waxyaabaha sida uu sheegay Madaxweynaha ay kala hadleen mar ay la kulmeen ganacsatada shidaalka ee uu ka midka yahay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warqadii u danbaysay ee loogu sheegay in aanay shidaal keenin dalka ilaa xili la cayimay ay Madaxweynaha kala hadleen, isla markaana warqadaa iyo warqadii horreba meel iska dhigeen oo aanay waxba ka jirin, balse wixii ay hada isla qaataan ay soconayaan, sida uu sheegay gabacsade Cali Waraabe.

Dhinaca kale, Xukuumadda Xukuumadda Madaxweyne Musue Bixii, ayaa digreeto ay soo saartay August 2018, waxay ku sheegtay in gebi ahaanba la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

Sidaa awgeed ay xukuumaddu gabi ahaanba dib ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

Go’aanka oo ay Bulshadu si weyn usoo dhowaysay, ayaa loo arkay mid muujinaya tallaabo fiican oo xukuumaddu qaaday, walaw ay jireen dadka qaar inay ku degdegtay xukuumaddu go’aankaa, isla markaana uu yahay mid cid gaar ah loogu danaynayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories