HomeHargeysa: Gaadiid Cusub oo lagu wareejiyey Shan Degmo oo ka tirsan Gobollada...

Hargeysa: Gaadiid Cusub oo lagu wareejiyey Shan Degmo oo ka tirsan Gobollada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shan degmo oo ka kala tirsan Gobollada Maroodijeex, Buuhoodle, Sanaag iyo Saraar, ayaa maanta lagu wareejiyey Gaadiid kala duwan oo loogu talo-galay inay ku hawl-galaan, kuna shaqeeyaan maamulka degmooyinaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa maanta Gaadiidkan ku wareejiyay masuuliyiinta shanta degmo.

blankMunaasibadda wareejinta gaadiidkaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, ugu horayn waxa  ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, oo sheegay in wasaaraddu bilawday qorsheyaal lagu kabaayo degmooyinka iyada oo miisaaniyadda qaranka sanadwalba ugu daraysa gawaadhi degmooyinka bilaa Gaadiidka ah si korloogu qaado shaqada degmooyinka ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in gaadiidkan lagula xisaabtami doono guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyada oo lixdii biloodba lagu samayn doono kormeer.

Guddoomiyeyaasha shantan degmo ee gaadiidka lagu wareejiyay ayaa soo dhaweeyay qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ay ku kaabayso Gaadiidka degmooyinka.

Degmooyinka widh-widh iyo Dararaweyne oo ka kala tirsan gobolada Buuhoodle iyo Sanaag ayaa la guddoonsiiyay min hal gaadhi oo nooca Seerafta loo yaqaano, halka Degmooyinka Qorulugud, Oog iyo Bali-mataan oo ka kala tirsan gobollada Buuhoodle, Saraar iyo Maroodi-jeex la gudoonsiiyay min hal Gaadhi oo nooca loo yaqaano Noohada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories