HomeHargeysa: Faahfaahinta Kulan Dhexmaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Denmark

Hargeysa: Faahfaahinta Kulan Dhexmaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka Denmark

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka waddanka Denmark Amb. Ole Thonke oo booqasho ku jooga dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta u qaabilsan Maxkamadda, ayaa lagu sheegay in safiirka iyo Guddoomiyuhu ka wada-hadleen doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka qabsoomaan badhtamaha sannadkan.

blank“Kulanku wuxuu ku bilaabmay is-xog waraysi guud oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah ee ay wadaagaan dawladaha Somaliland iyo Denmark iyo sidii loo sii xoojin lahaa is-kaashigaasi, maadaama safarka safiirku ahaa socdaalkiisii u horeeyay ee isagoo safiir ah uu dalka ku yimaado, sidoo kale waxay guddoomiyaha iyo safiirku ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay waddanka ka qabsoomaan, kuwaasi oo garsoorku door muuqda ka qaato marka ay soo gaadhaan arrimaha la xidhiidha doorashadu,” Sidaas waxa lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Sida lagu sheegay wa-saxaafadeedka, Safiirka Denmark ayaa xusay in ay diyaar u yihiin is-kaashi dhinacyo badan taabanaya oo ay la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku bogaadiyay horumarka la taaban karo iyo wax-qabad garsoorka dalku ku talaabsaday.

blankWaxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa geestiisa soo dhaweeyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Denmark, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dal, sidoo kalana lasoo celiyo tababaro caalami ah oo ay Denmark u fududayn jirtay garsoorka Somaliland”.

Safiirka Dalka Denmark oo shalay booqasho ku yimi Somaliland, waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka.

Denmark ayaa ka mid ah dalladda Saaxiibbada beesha Caalamka ee taageera doorashooyinka iyo nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories