HomeHargeysa: Faahfaahinta Hawl-gal Ciidamada RRU-du shalay kula wareegeen Xarunta Guud ee Xawaaladda...

Hargeysa: Faahfaahinta Hawl-gal Ciidamada RRU-du shalay kula wareegeen Xarunta Guud ee Xawaaladda Juba Express

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maamulka Shirkadda oo warramay qaabka uu u dhacay Baadhitaan daba-socday Shaqaalahooda midkood oo habeen hore Gurigiisa lagala baxay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ee hawl-gallada gaarka ah u qaabilsan booliska Somaliland, ayaa shalay baadhitaanno ku sameeyey socday muddo dhowr saacadood ah ku sameeyey Xarunta Guud ee Shirkadda xawilaadda Lacagaha ee Juba Express ku leedahay magaalada Hargeysa.

DSCF0388Baadhitaanka Ciidamadu ku sameeyey xarunta Shirkadda ayaa daba-socday hawl-gal ciidamada RRU-du habeen hore gurigiisa kagala baxeen Qasnad-hayihii shirkadda Juba Express Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo aanay ciidamada ammaanku sababta xadhigiisa iyo dambiga loo haysto u sheegin masuuliyiinta shirkadda iyo qoyskiiba.

Ciidamada RRU-da oo ku qalabaysan gaadiidkooda u gaarka ah ee ay ku fuliyaan hawl-galladooda, ayaa shalay subaxnimadii abbaaro 8:30-kii la wareegay xarunta shirkadda iyaga oo haba-yaraatee aan sidan warqad ogolaanshiyo ah oo ay ku baadhaan xarunta shirkadda Juba Express isla markaana hakad geliyeen shaqadii ka socotay xarunta shirkadda, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Maareeyaha Shirkadda Jubba Express qaybteeda Somaliland Muuse Daahir Yuusuf.

Muuse Daahir waxa uu sheegay inay xarunta shirkadda shalay subaxnimadii hore yimaaddeen ciidamada RRU-da, kuwaas oo gebi ahaanba hakiyey hawshii maalinlaha ahayd ee Xawaaladdani u fidin Jirtay bulshada, isla markaana ay Ciidanku diideen in dadku galaan Xawaaladda halka dadkii gudaha kujirayna hor-joogsadeen kuna amreen inaanay dibadda uga soo bixin. Muuse waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku markii dambe dambe joojiyeen hawl-galkooda ka dib markii ay uga dacwoodeen taliyaha ciidanka Booliska oo ciidanka ku ambray inay sugaan warqadda ogolaanshiyaha baadhitaanka.

Muuse Daahir oo ka warramaya sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Saaka (Shalay Subax) markii uu soo shaqo tagi-waayey ee aanu waynay ee telefoonadiisii oo xidhan-na aanu aragnay, ayuu nin ay walaalo yihiin ila soo hadlay oo igu yidhi Xalay (habeen hore) ayaa guriga laga qaaday, meel la geeyeyna garan maayo, ka dib baan anigu CID-da tagay oo laygu yidhi halkanuu ku jiraa. Intaan halkaas ku maqnaa ayay ciidamadu Xafiiska yimaaddeen, dabadeedna intay albaabada xidheen, oo waxay yidhaahdeen dadku ma geli karaan. Ka dib markii aniga layla soo hadlay, ayaan aniguna la hadlay taliyaha oo ku idhi xaq uma lihid inaad xafiiska iska gasho, dabadeedna ciidankii wuxuu amray inay dibadda joogsada ilaa inta warqadda Baadhista maxkamadda laga soo qaadayo, dabadeedna sidaasay dibadda ku joogeen oo ay baabuurtooda xafiiska agtiisa dhigteen, annaguna aanu shaqadayada ku wadannay.”

Muuse Daahir waxa uu shegay inay ciidamada hawl-galkooda baadhista oo qaatay muddo saacad ah dib u bilaabeen ka dib markii goobta la keenay Qasnajiga shirkadda ee habeen hore gurigiisa lagala baxay, waxaanu yidhi, “Warqaddii baadhista markii la soo sameeyey iyo inankii oo ay wadaaan ay keeneen abbaaro 11:30-kii, markaas ayay baadhista bilaabeen, baadhitaankiina waxaanu wadnay ilaa 12:20 meheradduna way xidhnayd.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas u daray, “Waxay baadheen Computer-kii uu inanku ku shaqayn jiray ee xafiiska yaallay, manay ahayn baadhis shirkadda lagu sameynayey. Inankuna wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha oo laakiin meel uu ku magacownaa may jirin, wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha marba hawsha loo diro uun qabta, markii u dambaysayna wuxuu ku qornaa qasnadda.”

Maareeyaha Shirkadda JUBA EXPRESS qaybteeda Hargeysa oo aanu weydiinnay inay ciidamadu ku war-geliyeen dambiga loo haysto Cabdiraxmaan iyo sida ay u arkaan hawl-galka laga fuliyey meheraddooda, waxa uu ku jawaabay, “Haba yaraatee, waxa ay nooga sheegeen dambigiisa ma jiro, xataa xaafaddooda iyo inanka walaalkii ee aan waydiiyey kama war-hayo. Laakiin, sida ay annaga noogu yimaaddeen waxaan u aragnaa inay tahay tallaabo qaldan, anagu dad muwaadiniin ah baanu nahay, shirkadduna waa shirka ay leeyihiin dad muwaadiniin ahi, wax way soo geli karaan oo waxay ka mid tahay shirkada dalka ka shaqeeya, laakiin waddada loo marayo iyo sida loo baadhayaa waa inay noqoto mid sharciga dalka waafaqsan, nimankanina sharci kumay socon oo argagixiso ku jirto ayay u yimaaddeen meesha, annaguna taas aad ayaanu uga xunnahay,” ayuu yidhi balse waxa uu sheegay inaanay jirin waxyeello hawl-galkaas ka soo gaadhay agabka iyo hantida shirkadda oo shalay gelinkii dambeba sideedii caadiga ahayd u wadday adeegyada ay bulshada u qabato.

Hawl-galka ciidamadu RRU shalay subaxnimadii ka fuliyeen xarunta Xawaaladda Jubba, ayaa ka yaabiyey isla markaana fejeciso ku abuuray dadka ku dhaqan Caasimada oo tallaabadan ku tilmaamay mid ujeeddooyin gaar ah xambaarsanaa, maadama ay goobtu tahay xarunta ganacsi, iyaga oo ku dooday inaanay jirin sabab dambi loo haysto hal qof u saamayn karo xarun ganacsi.

 

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories