HomeHargeysa: Dukaan Soo Kordhiyey Agab Noocoodu Dalka ku Cusub Yahay

Hargeysa: Dukaan Soo Kordhiyey Agab Noocoodu Dalka ku Cusub Yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

  • LAYAN FLOWERS oo iibinaya ubaxyada nool, qalabka hadyadaha iyo agab kale oo cusub

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdillaahi, ayaa xadhigga ka jaray dukaan soo kordhiyey agab noocoodu ku cusub yahay dalka oo laga hirgeliyey caasimadda Hargeysa.

Dukaankan oo magaciisa la yidhaa LAYAN FLOWERS oo lagu iibinayo ubaxyada nool ama darayga ah ee sida caadiga ah loo beero iyo qalabka casriga ah ee dadku isku hadyadeeyaan, ayaa xaflad loo sameeyey daah-furkiisa oo shalay fiidkii ka dhacday dhismaha suuq-yaraha uu ka tirsan yahay Imaan Center oo ku yaal xaafadda Jig-jiga yar ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, masuuliyiin kale, ganacsato iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

 

Mulkiilaha dukaanka Layan Flowers Mr. Cabdiraxmaan Cumar Soofe oo hadal kooban ka jeediyey xafladdaasi, ayaa sheegay in badeecaddan cusub ay soo kordhiyeen kadib markii ay arkeen baahida looga qabo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan dalkaba.

Mr. Cabdiraxmaan Cumar oo faahfaahinayey qalabka dukaankiisu iibinayo waxa uu yidhi, “Agabka dukaanka aannu ku iibinayno ee laga heli karo waxa ka mid ah; ubaxyada nool ee la beero oo cusub oo leh udug udgoon, qalabka hadyadaha la isu siiyo, shamacyada quxur ahaan loo shito oo ilaa labaatan nooc ah oo mid kastaaba leeyahay ur udgoon iyo midab u gaar ah, iyadoo weliba qaarkood shidnaanaya muddo bil ilaa laba bilood ah, shamacyada quraaradaha ku jira ee loogu talogalay miisaska cuntada, kaadhadhka aroosyada iyo kuwa hadyadaha farxadaha dhalashada carruurta iyo asxaabta sida qof shaqo helay oo kale iyo weliba agab kale oo badan. Markaa waxaannu bulshada ugu soo bandhigi doonaan xayeysiis faahfaahsan.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdillaahi, ayaa soo dhaweeyey samaynta dukaankan cusub oo uu ku tilmaamay mid qayb ka ah horumarka Somaliland ku tallaabsanayso maalinba maalinta ka dambaysa.

 

“Sidaynu ognahay ubaxyadan iyo agabkani qayb muhiim ah ayey ka yihiin dhaqaalaha adduunka waqtigan, tusaale ahaan Kenya 8% dhaqaalaheeda ka mid ahi waxa uu ka soo gala ubaxyada sannadkiiba. Markii hore dalkeenna, anigu waxaan aad u arkaa jaamacadaha oo markay qallinjabinayaan ay ubaxyadan oo kale inooga yimaadaan dibadda sida Itoobiya, laakiin waa Ilaahay mahaddii mar haddaynu maanta dalkeenna ka helayno, taasi waxay hoos u dhigaysaa dhaqaalihii dibadda inooga bixi jiray, sidoo kale waa shaqo abuur oo qayb ka ah wasaaraddayada in dukaanadan badan ee la furayaa ay soo kordhinayaan fursado shaqo laga helo. Waxa kaloo dukaankani keenayaa horumar in wax walba laga heli karo caasimadda dalkeenna oo tartan kula jirta xarumaha waddamada kale,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

Dhinaca kale, Cali Maxamed Nuur oo ka mid ahaa marti sharaftii ka qaybgashay furitaanka dukaankan cusub, ayaa u riyaaqay badeecadaha cusub ee lagu iibinayo Layan Flowers, waayo buu yidhi, “Marka weftiyo ama dad ajnebi ahi inooga yimaadaan dibadaha waxaannu ku soo dhawayn jirnay ubax caagado ah, laakiin ubaxii runta ama rasmiga ahaa ayaanu maanta helnay. Dadkana waxaan leeyahay si caasimadda wax walba looga helo waa in aynu dhiirigelinaa ganacsiga cusub si ay u taabbo qaadaan.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories