HomeHargeysa: Dugsiga Gacmo-dheere oo kedis-aqooneed u qabtay Ardayda fasalka 8aad iyo Masuuliyiin...

Hargeysa: Dugsiga Gacmo-dheere oo kedis-aqooneed u qabtay Ardayda fasalka 8aad iyo Masuuliyiin ka Qayb-galay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Hargeysa (SLpost)- Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka qaybgalay munaasibad kedis-aqooneed loogu qabtay Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee Gacmo-dheere ee Magaalada Hargeysa, taasoo ka dhacday xarunta Dugsigaasi.
Xafladdan oo ka sekow Kedis loo qabtay ardayda Fasalka 8aad ee dugsigaasi, lagu daah-furay qorshe uu ku dardar gelinayo tayada iyo baaxada waxbarashada  maamulka cusub ee dugsigani, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka, Maamulka iyo macalimiinta, waalidiinta iyo Arday wax ka barta Dugsigaasi.
Maamulaha Dugsiga Gacmo dheere Fadxi Axmed Cabdilaahi oo ugu horayn munaasibadan hadal ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey taariikhda dugsigan, heerka waxbarashadiisa iyo waxyaabaha uu qabtay intii uu Maamulaha ka ahaa, waxaanu sheegay in bilowgiiba markii uu shaqada la wareegay uu xidhiidh la sameeyey guddiyada ka dhisan Xaafadda uu ku yaallo dugsigu, Waalidiinta Ardayda wax ka barata dhalay iyo mudakarka kale ee deegaanka ku xeeran, si uu u abuurmo jawi isku-xidhnaanneed oo fure u noqda in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dugsiga, ardaydana loogu dhiiri-gelin lahaa waxbarashada aasaasiga ah.
blank
“Markii aan dugsiga imi waxaan isku xidhnay Maamulkii, Waalidkii ardayda iyo macalimiinta, si ay meesha uga baxdo in ardaygu uu sagsaago waxbarashadiisa, waxaanan mar walba isku xidhanahay oo aanu warbixinta kala qaadanaa Waalidka”, ayuu yidhi Maamule Fadxi oo intaasi ku daray in dugsiga lagu kordhiyey qayb cusub oo loogu talogalay barbaarinta Carruurta, taasoo aan hore looga sameynin dugsiyada Dawladdu maamusho.
blankSh. Cabdiraxmaan Sheikh Faarax oo kamida culimada waaweyn ee dalka iyo waalidiinta ubadkoodu waxbarashada kaga jiraan dugsigan oo isagu xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmamay in isbedelka lagu sameeyey maamulka dugsigani horseeday horumarka iyo dardarta ka muuqata, waxaanu sheikhu balanqaaday in ay waalid ahaan iyo guddi xaafad ahaanba ay garab ku siin doonaan maamulka cusub sidii loo soo celin lahaa mustawihii uu dugsigani kaga jiray waxbarashada hoose dhexe ee Caasimada Hargeysa.
Muuna Macalin oo ah Guddoomiyaha Guddida waalidiinta ee dugsigan, ayaa dhankeeda balanqaaday in ay si hufan ula shaqaynayaan Maamulka iyo macalimiinta dugsiga, diyaarna u yihiin talo iyo taageero wixii kaga aaddan horumarinta dugsiga iyo dhismaha mustaqbalka ubadka wax ka barta.
blank
Wariye Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis oo isna waalidiinta ka mid ahaa walaalidiinta yaraantoodii waxbarashadii aasaasiga ahayd ku qaatay dugsigan, isla markaana ubadkoodu iminka wax ka bartaan, ayaa sheegay, “Dugsigan waakii aanu daasadaha ku fadhiisan jirnay ee aanu wax ku baranay, maantana waxaan kamid ahay waalidka Ubadkoodu dhigtaan, markaa aniga xusuus gaar ah ayuu igu leeyahay”.
Cabdi Almis ayaa intaasi ku daray in ay Xukuumadda talada haysaa juhdi badan gelinayso sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dawliga ah, isagoo dhinaca kalena xusay qaar kamida macalimiintii lagu bilaabay dugsigan markii dalka lagu soo noqday.
blank
Suxufi Saleban Cabdi Cali oo isna xafladan ka hadlay ayaa ugu baaqay Dadkii ka aflaxay dugsigan  intii uu jiray in aanay ilaawin ee ay dib u soo xusuustaan, “Dadkii dugsigan ka aflaxay waxa dhici karta in ay qaarkood siyaasiyiin yihiin, inay Ganacsato yihiin , in ay madaxda qaranka ku jiraan, markaa waxa loo baahan yahay in ay is abaabulaan oo ay dareen gaar ah ka yeeshaan horumarka dugsigan,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey, “Dugsigani wuxuu ku yaallaa xaafaddaha ugu bulshada badan Hargeysa, suurto gal maaha in ay arday tiro yari fasalada ka soo xaadirto, waalidka waxa looga baahan yahay in ay ubadka keenaan oo dugsiga”.
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex) oo isna halkaasi hadal ka jeediyey , ayaa ku hambalyeeyey Maamulka dugsigan waxqabadka uu muujiyey muddadii uu joogay, isagoo kula dardaarmay in uu halkaasi ka sii wado dedaalka uu sameeyey.
blank
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tartan-aqooneedyadu ay kamid yihiin waxyaabihii caadada u ahaa dugsigan, kan maanta loo qabtay ardayduna bilow u yahay sanad dugsiyeedka 2019-2020-ka, isagoo tilmaamay in dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo agabka waxbarashada ee dugsiga.
“Dugsigan wasaaradda waxbarashadu iyadoo la kaashanaysa hay’addaha la shaqeeya waxa lagu sameeyey dayactir badan, waxa loo baahan yahay ardayeeyey in aad ilaalisaan oo aad nadaafadiisa u ilaalisaan sida guryihiina oo kale,” ayuu kula dardaarmay ardayda, macalimiinta iyo waalidka dugsigan ehelka u ah.
Xubno kamida ardayda waxbarashada kaga jira dugsigan oo xafladan hadallo ka jeediyey, ayaa halkaasi ku soo bandhigay hadallo ay ku muujinayaan heerka tacliintooda iyo mahad-naq ay u jeediyeen maamulka iyo macalimiintooda oo ay shahado-sharafyo iyo hadyado ku guddoonsiiyeen xafladaasi.
blank
Gunnaanadkii munaasibadan, ayaa waxa kedis-aqooneed halkaasi loogu qabtay laba kooxood oo kamida Wiilasha iyo Gabdhaha fasalada 8aad dhigta, waxaana tartankaasi ku guulaystay Kooxda ka socotay Hablaha oo 12 dhicood kaga guulaystay Wiilasha oo dhankooda 10 dhibcood helay.
Geesta kale, Ardayda ayaa xaflaaasi ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysa qiimaha waxbarashada iyo doorka uu waalidku ku leeyahay dhismaha ardayga ku wanaagsan waxbarashada.
blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories