HomeHargeysa: Dhisme Ganacsi Oo La Daah-furay Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Hadallo...

Hargeysa: Dhisme Ganacsi Oo La Daah-furay Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Hadallo Ka Jeediyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeya, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray dhisme ganacsi oo casri ah, kaasoo laga hirgeliyay caasimadda Hargeysa.

Munaasibad lagu qabtay xaruntaas oo loogu magic-daray Iimaan ayaa waxa ka qayb galay hal-doorka mujtamaca intiisa badan, kuwaasoo isugu jiray culimo-awdiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo abwaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhismahan oo isugu jira qaybo kala duwan oo ganacsi, sida dukaamo waaweyn, huteello cunto iyo kuwa hurdo iyo sidoo kale guryo loogu talo-galay seexasho oo ay ku lamaan tahay adeegyo kale oo dheeraad ah ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa ugu duceeyay mulkiilaha ganacsigaas maal-gashaday oo lagu magacaabo Cabdirashiid Muuse Iimaan in Illaahay u barakeeyo.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada dalka, iyagoo ugu baaqay dadka hantida haystaa inay maal-gashadaan dalkooda.

Guddoomiyaha hay’adda la-dagaalanka AIDS-ka Pro. Cabdi Cali oo ka hadlay munaasibadaas ayaa ka warramay faa’iidooyinka maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka horumarinta gobollada bariga Somaliland Cali Maxamed (Sandule) ayaa ku hambalyeeyay mulkiilaha ganacsigaas bilicda iyo horumarka uu kusoo kordhiyay caasimadda. “Waa hotel-ka nabadda lagu fulin doono, mulkiilaha abtiyaashiina way soo hiloobayaanoo way ku dayan doonaan, mar hadduu hotel u dhisay.” ayuu yidhi wasiir Cali Sandulle.

Gebagabadii munaasibaddaas lagu furay xarunta ganacsi ee cusub waxa hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku bogaadiyay muwaadinka hirgeliyay ganacsigan isagoo xusay inuu soo kordhin doono horumar la taaban karo.

Sidoo kale waxa uu Muuse Biixi Cabdi ka hadlay hanaanka horumarineed ee caasimadda Hargeysa iyo sida ay bulshada ku dhaqani ugu siman tahay ka qayb qaadashada hirgelinta horumarkeeda. waxaanu yidhi. “Hargeysi waa magaalo qudha laba Hargeysi ma jiraan, Hargeysi waa qof keli ah, qofkuna haddii far yaro xanuunto wuu wada xanuusadaa, ma suurtoobayso in Hargeysa dadka ku nool ay qolana biyo hesho, qolana ay biyo waydaa, Hargeysi marbay biyo wada helaysaa, Hargeysi marbay horumar wada helaysaa, Hargeysi wax la kala qaybiyo maaha, laakiin qolaa imika soo baxday in saxaafaddu ay cid walba makarafoonak u dhiibaan, daku way iska jecel yihiin inay is-daawadaan, aroortii nin weliba wuxuu isku eegaa muraayadda, barigii hore hablaha oo qudha ayaa isku eegi jiray ayaa la yidhi, laakiin imika odayaashaa ugu daran, cirraduu iska rifayaa, wuu yar madoobaynayaa, tayguu yar giijinayaa, markaa dadkii wuxuu helay muraayad meel walba laga daawanayo waa inuu tv-ga tagaa oo uu hadlaa.”

Dhismahan loogu magac-daray Iimaan oo uu ku lamaan yahay hotel la yidhaahdo Golden ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara baahiyaha dhinaca hoyga, kuwaasoo ay cidhiidhi kala kulmi jireen dadka xilliga xagaaga kusoo guryo-noqda, waxaana muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay maalgeshiga muwaadiniinta Somaliland ee dhinacyada ganacsiga.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories