HomeHargeysa: Dhibaatooyinka Kootada Adeegga Korantada iyo Kadeedka Bulshada

Hargeysa: Dhibaatooyinka Kootada Adeegga Korantada iyo Kadeedka Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bulshada ku dhaqan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa kaddeed iyo halis isku lamaan ku haya adeegga Korantadda oo aad mooddo in ay iminka isleegaadeen, marka la eego dhibaatada joogtada ah ee ay Shirkaddaha bixiyaa ku hayaan Dadka.

 

Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada dalka oo ay ku nool yihiin mujtamaca ugu badan ee Dalku, ayaa ka mida Magaallooyinka halista Laydhku iyadoo gar iyo mag la’aan ah joogtada tahay, isla markaana maalin walba khasaaruhu ka dhasho, haba ugu darnaato xilli roobaadka oo sanad walba Dad ku dhintaan, guryo-na ay ku gubtaan ama hanti Ganacsi ku shuf beesho.

 

blank

 

Magaaladan oo guud ahaan adeegga Korantada ay maamulaan Shirkaddo gaar loo leeyahay oo Ganacsi, ayaa waxa dadku ku dhaqan isu-barkaday dhibaatooyin ka dhashay Korantada oo isugu jira, Dhagar, dhiig-bax dhaqaale iyo dhoohannaan maamul oo sababtay dayac iyo dareen la’aan fogaysay rejjo laga qabo in wax laga qabto. Shirkadaha adeeggan bixiya waxa ugu weyn oo inta badan Magaalada Kooto ku haysata Shirkadda SOMPOWER oo ay ku bahoobeen Shirkado yar yar oo kala duwan iyo Ganacsato, kuwaasoo markii hore mid waliba gaarkeeda u bixin jirtay adeeg koranto, kana dhexeeyey tartan dhanka suuqa ah oo ay mid mida kale ku foorjayn jirtay qalabka ay isticmaasho iyo qadarka lacagta ay ka qaado Dadweynaha.

 

blank

 

Shirkadda SOMPOWER oo ah tan loo xidhay bixinta Adeegga koranto ee Caasimada iyo magaallooyin kale oo badan, ayaa macaamiisha ka qaada dhaqaale badan oo aanay jirin cid kula xisaabtanta iyo dawlad ku daba gasha tayada adeeggoodu toona. Shirkaddan SOMPOWER oo la mideeyey sanadkii 2013-kii, qorshaheeduna yahay in ay la wareegto guud ahaan Korantad dalka, isla markaana sifo aan sharci ahayn kula wareegtay xaruntii Xoogga Korantada Hargeysa ee Dawladda, kana saartay suuqa xarumo yar yar oo diiday inay la bahoobaan, kuwo kalena wali faro baas ku haysa, ayaa tan iyo markii la aasaasay waxa faraha ka baxay oo kor u kacay khasaaraha waxyeellada Korantada ay bixiso ka dhalatay, taasoo aan tiro-koob sax ah laga haynin, balse bil kasta iyo beri walba dhaca. Marka laga yimaado khasaaraha joogtada ah, waxa kale oo qalabka shirkaddani dhibaato ku hayaa bilicda Magaallooyinka ay ka shaqayso, waxaanay xawli dheeraynaya ku fidisay adeeggeeda Korantada, iyadoo aan wax qorshe ah oo mustaqbalka loo diyaariyey u sameynin qalabka ay isticmaasho oo ay kamid yihiin Biraha iyo xadhka ay sida loollanka iyagoo isku dhex daadsan meel walba u teedsan.

blank

 

Dadka Isticmaala Korantada Shirkaddan ayaa cabasho balaadhan ka qaba hanaanka ay ugu adeegto iyo shuruudaha ay la gasho marka uu qofku ka qaadanayo adeeg. “Waxa ay kula heshiisaa Dadka in aanay ka masuul ahayn wixii dhibaato uu dabku u geysto ee guriga dhexdiisa ka dhasha,” sidaasi waxa yidhi mid kamida macaamiisheeda oo walaac ka qaba khatarta ku jirta Heshiiska ay ku bixiso Adeegga.

 

Heshiiska noocan ah ayaa sabab u noqday in aan loo raacin Shirkaddan wax magdhow ah oo Qudh iyo Qaan-maaliyaddeeda khasaaraha maalin walba uu geysto Laydhkeedu. Waxa kale oo intaasi dheer in aanay wax naxariis ah u gelin macaamiisha, kana jarto Korantada qofka la habsaama Biilka bisha marka loo geeyo Warqada qaan-sheegta, halka dadka qaar laga jarog adeegga iyadoo aan biilka loo geynin, taasoo sababta in ay dhibaato nafeed ka soo gaadho Dad duruufo Caafimaad u isticmaalaha Korantada u xidhan iyo kuwo howl-maalmeedu ka istaago marka laga jaro Laydhka. Ugu dambeyn Shirkaddan SOMPOWER oo Kooto ay ku haysato Korantada iyo Kaddeed bulshadu ku qabto Dalka kaga shaqaysa, ayaa lagu xidhiidhiyaa in ay dallo ka haysato dawladda oo aanay marna dheg jalaq u siinin amarro lagu soo rogay Shirkadda Korantada, kaasoo ah in ay Magaalada ka basriyaan qalabka sababta u noqda waxyeellada joogtada ah.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories