HomeHargeysa: Degmada Maxamed Mooge Oo Isku Muujisay Xuskii 18 May

Hargeysa: Degmada Maxamed Mooge Oo Isku Muujisay Xuskii 18 May

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost) – Arbacadii Shalay, waxa guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka dalka laga xusay 31 guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.

blankCaasimadda Somaliland ee Hargeysa, oo ah halka Xafladda ugu weyni ka dhacday, ayaa waxa door laxaadle ka qaatay Dabbaal-deggaasi Degmada Maxamed Mooge oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Maamulka Dawladda hoose ee Degmada Maxamed Mooge oo qaban-qaabiyey ka qayb-qaadashada Degmadooda, ayaa Fagaaraha weyn ee lagu qabtay Xuska isla-markaana ay Gaardiska ku mareen Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida, isla-markaana ay fadhiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, Safiirrada dalalka Shisheeye u jooga Somaliland, Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland iyo Wufuudda kale fadhiyeen, waxay Maamulka Degmada Maxamed Mooge ku soo bandhigeen Agabyo kala duwan oo muujinaya Ahmiyadda Xuska 18 May u leeyahay Qaranka Somaliland iyo Shacabkiisa.

blankDadweyne tiro badan oo isugu jira Hooyooyin, dhallinyaro iyo Masuuliyiin ka mid ah Maamulka Degmada Maxamed Mooge, ayaa waxay Fagaaraha ku soo bandhigeen boodhadh waaweyn oo ku xardahn yihiin Hal ku-dhegyo muujinaya Qiimaha 18-ka May, agab dhaqameedka reer Somaliland, sida Wiilka Caanaha, Dhar-dhaqameed.

Degmadan oo loogu Magac-daray Alle ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Jabhaddii SNM ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre ka xorreeyay Somaliland, ayaa xafladda 31 guurada Madax-banaanida Somaliland ku xardhay Taariikhda iyo Xusuusta Qaranimada Somaliland, iyadoo ka mid noqotay Degmooyinkii sida wanaagsan uga dhex muuqday xuska 18 May ee Warbaahintii sida tooska ah u tebinayey Xafladdu in badan amaaneen doorkooda xuskaasi.

blankDegmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxa ay kaga duwanayd degmooyinkii kale ee ka qyab-qaatay xuska 18 May, iyagoo soo bandhigay Aqal-Soomaali, Fardo, Muqmad, Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka, Haween iyo dhalinyaro lagu carbiyey qaabka loo maro xuska munaasibadda 18 May iyo sawirrada Haldoorkii Somaliland soo maray qaarkood oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Somaliland, Xaaji Cabdikariim (Cabdiwaraabe), Edna Aadan Ismaaciil, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories