HomeHargeysa: Dawladda Hoose oo soo bandhtay Ishaarooyin Tamarta Qorraxda ku shaqaynaya oo...

Hargeysa: Dawladda Hoose oo soo bandhtay Ishaarooyin Tamarta Qorraxda ku shaqaynaya oo Jidadka Caasimadda lagu rakibayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna maayarka Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta soo bandhigay Ishaarooyinka Gaadiidka kala-haga oo lagu rakibi Is-goysyada ugu muhiimsan ee Jidadka Caasimadda, kuwaas oo ku shaqaynaya Tamarta Qorraxda.

Maayar Soltelko oo ay weheliyaan maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka, ayaa mar uu warbaahinta kula hadlayey Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo qalabku maanta soo gaadhay, waxa uu ka warramay muhiimadda Ishaarooyinku u leeyihiin bilicda caasimadda, kala-hagidda gaadiidka iyo fududeynta saxmadda Jidadka magaalada.
Maayar Soltelko waxa uu sheegay in qofkii ku xad-gudba ama jiidha Ishaarooyinka uu mutaysan doono ganaax dhaan Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, waxaanu dadweynaha gaadiidka wada ku booriyey inay u hogaansamaa shuruucdda ishaarooyinka loo maro.

ishaarooyinka 1“Waxa noo farxad in aanu halkan ku soo bandhigno ishaarooyinkii caasmadda qaybtiisii u horeysay oo lagu rakibi doonno Lix Isgoys, mid waliba dariiqii aanu ugu talo-galnay ayaa lagu soo rekoodh gareeyey sida aad aragtaan caalamadahooga. Marka la rakibo waa in loo hogaansamo oo oo qof waliba xaq dhawro, ciddii jiidha waxa lagu xukumi doona ganaax culus. Ciidamada waddo-marista waxaan ogaysiinayaa in qofkii jiidha laga qaado Hal Milyan oo shilin, askariga qabta shan boqol oo kun ayuu leeyahay, shanta kalana dawladda hoose ayaa leh, waxaanan leeyahay dadweynaha ilaaliya ishaarooyinka,” sidaas ayuu yidhi Maayar Soltelko.

ishaarooyinka 3Maayarku waxa kale oo uu sheegay in Khamiis maanta la qaybin doono Caagagga loogu talo-galay in lagu rido Qashinka fudud oo wadooyinka hareeraheedda iyo meheradaha waaweyn hortooda la dhigi doono, taas oo qayb ka ah dedaallo Dawladda Hoose ugu jirto kor-u-qaadis bilicda caasimadda. Maayarku waxa uu dadweynaha ugu baaqya inay qashinka fudud ku ridaan Caagadahaas.

ishaarooyinka 2“Berri waxa la qaybinaya caagadihii meheradaha hortooda la dhigi doono ee qashinka fudud lagu ridi doono ciddii dambe ee qashin ama caagad dhulka iskaga tuurta waa la ganaaxi doonaa, waana inay dadweynuhu ilaaliyaan soona gudbiyaan dadka qashinka meelahaasi iskaga tuura, si caasimadda u noqoto mid la mid ah kuwo caalamka, isla markaana dadweynuhu la shaqeeyaan dawladdooda si horumar muuqda loo wada gaadho,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories