HomeHargeysa: Dabley Hubaysan oo Xalay Weerartay Xarunta Wargeyska Madaxabannaan ee Hubaal iyo...

Hargeysa: Dabley Hubaysan oo Xalay Weerartay Xarunta Wargeyska Madaxabannaan ee Hubaal iyo Mid ka mid ah oo Gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dabley Baaskoladu ku hubaysan, ayaa xalay si badheedh ah Weerar ugu qaaday Xarunta Wargeyska HUBAAL oo ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Ragga Weerarka geystay oo la sheegay in Qorshahoodu ahaa inay Waaxyeello gaadhsiiyaan Guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Jaamac Calooley, ayaa mid ka mid ah gacanta lagu dhigay, ka dib markii weerarkoodaas oo fashilmay ay dhaawac ku gaadhsiiyeen Guddoomiye Maxamed Calooley oo wakhtigaas taagnaa barxadda hore ee Xarunta Wargeyska oo ku yaala Galbeedka Hotelka Togdheer ee Xaafadda Goljanno.

Goob-joogayaal ku sugan Agagaarka Xarunta Wargeyska, ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa rasaasta ay rideen nimankan, taas oo sababtay inay soo dareeriso dadka la jaarka ah xarunta Wargeysaka oo ku taala Xaafado Dhexdood.

Dadka goobta soo gaadhay ayaa sheegay in nimanka weerarka soo qaaday ku hubaysnaayeen Baastoolado iyo Bakoorado, kuwaas oo dhaawac dagaal gacanta ah u qaaday Gudoomiyaha Hubaal Maxamed Jaamac iyo hawlwadeenadii ku sugnaa goobta.

Waxaa dhaawacyo kala duwan soo gaadheen Maxamed Jaamac Calooley iyo mid ka mid ah hawlwadeenada goobta joogay, iyadoo la qabtay labadii Nin ee weerarka soo qaaday mid ahaan, balse kii kale baxsaday.

Falka noocan ah ayaa u muuqata mid la doonayo in lagu cabsi geliyo madax-bannaanida saxaafadda oo kaalin muhiim ah ka soo qaadatay dhismaha dalka iyo koboca haykalka dawladeed ee maanta Somaliland dugsanayso.

Sidoo kale, falalka noocan ah, ayaa shabbaha dilalka qorsheysan ee saxafiyiinta loogu geysto dalkaasi Soomaaliya, in kasta oo aanay Somaliland ka dhicin falal la mid ah kuwa Soomaaliya, haseyeeshee waxa ay cawaaqib-xumadeeda yeelanaysaa haddii aan la qaadin tallaabo xakame u noqon karta dhaqamadan ugubka ah ee saxaafadda Somaliland lagu daan-daansanayo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories