HomeHargeysa: Daba-gal iyo Baadhitaanno lagu sameeyey Kaalmaha Shidaalka

Hargeysa: Daba-gal iyo Baadhitaanno lagu sameeyey Kaalmaha Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland, ayaa hawl-gal ay ugu kuur-galayso qiimaha shidaalka ka fulisay Kaalmaha Shidaalka ee magaalada Hargeysa si ay u xaqiijiso inay u hoggaansameen go’aan wasaaraddu qiimo go’an ugu jaan-goysay iibka noocyada shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad Saajin, ayaa wareegto uu soo saaray toddobaadkan waxa uu qiimo go’an ku jaan-gooyey in ganactada tafaariiqda ku iibisa Shidaalku ay 5,600SLSH ku iibiyaan Litirka Baatroolka ah halka Qiimaha Litirka Naaftada ah uu ka dhigay 5,200SLSH.

blankHawl-wadeenno ka socda Waaxda Daba-galka Liisamada iyo Qiimaha Maceeshada ee Wasaaradda Ganacsiga oo u kuur-galaya iibka Shidaalka, ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa, iyagoo baadhitaan ay ku xaqiijinayaan la dul-tagay Bamamka Shidaalka laga shubo iyo tirsiga Qiimaha ku qoran ee ay ku iibinayaan.

Hawl-galka oo uu hormuud ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta laga fuliyey dhamaan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxaanay xaqiijiyeen in inta badan Kaalmaha shidaalka ee ay kormeereen ay u hoggaansameen go’aankii ay wasaaraddu soo saartay, balse ay jiraan meherado tiradoodu kooban tahay oo shidaalka ku iibinayay qiimo wax yar ka sarreeye Qiimihii loo jaan-gooyey iibka Shidaalka.

blankSida uu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda ee gobolka Maroodijeex, meherada ay ogaadeen inaanay go’aanka wasaaradda u hoggaansamin, ayaa markiiba amar lagu siiyey inay u hoggaansamaan go’aanka xukuumadda, qiimahana ay ku fadhiisiyaan inta loo cayimay.

Wareegtada uu wasiirka Ganacsigu ku jaan-gooyey Qiimaha shidaalka, ayaa loo muddeeyey inay shaqayso muddo hal bil ah laga soo bilaabay 28-kii March 2021 oo wareegtadu soo baxday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories