HomeHARGEYSA: Daah-furka Buugga Aabihii Qorista Af-Soomaaliga iyo Nuxurka hadallo xukuumadda ku foorara...

HARGEYSA: Daah-furka Buugga Aabihii Qorista Af-Soomaaliga iyo Nuxurka hadallo xukuumadda ku foorara oo laga jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna faaqiday buug magaciisa la yidhaahdo “Malkadii Galaal” oo ka hadlaya taariikhd nololeedkii iyo weedhahii dhaxal  uga hadhay AHN Aabahii Guddigii Qoraalka AfSoomaaliga Muuse Galaal ayaa xalay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

Xafladan oo wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta Qaranka Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayey ka soo qeybgaleen martisharaf sare u dhaaftay laba boqol, kana mid ahaayeen masuuliyiin goleyaasha qaranka Somaliland ka tirsan, abwaano, qoraayo, dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka kala yimi.

sssUgu horeyn xafladaa ayaa lagaga hadlay muhiimada iyo taariikhda uu xambaarsan yahay buuga “Malkadii Galaal” oo qoraaga buugaa Maxamuud Xaaji Ibraahim soo bandhigay ayuu si balaadhan uga hadlay waayahii uu soo maray diyaarinta iyo daabacaada buugaasi, si weyna uga mahadceliyey cid kastoo ku taageertay soo saarida buugan.

Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Qorsheynta Qaranka, Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal, oo hadal ka jeediyey ayaa ka waramay sooyaalkii AHN Muuse Galaal ku lahaa bulshada AfSoomaaliga ku hadla, isagoo si qoto-dheer oo cilmiyeysan suugaan ugu soo bandhigay taariikhda AHN Muuse Galaal, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa,

“Rag badan oo AHN Muuse Galaal iiga aqoon badan ayaa caawa (habeen hore) halkan jooga, oo la soo shaqeeyey, lana soo saaxiibay. Habeen dhoweyn Abwaan Siciid Saalax ayaa igu yidhi ‘Annigoo aan arkin AHN Muuse Galaal ayaan Idaacada radio Hargeysa ka bartay, qoraalkiisana ku bartay.’

Wasiir Maxamuud Galaal ayaa sheegay inuu siffo la mid Siciid Saalax ku bartay AHN Muuse Galaal, maadama isagoo da’ yar ula wareegay qoyskooda carriga Ingiriiska, waxaanu yidhi

weedho“Annigu waxaan ku bartay cajaladihiisii, sheekooyinkiisii, murtiduu allifi jiray, taasoo I gelisay hamuun iyo doonis inaan in kale helo.”

Sannadkii 1989-kii ayaan ku kulanay Ingiriiska Professor P W Andrawisky, oo ahaa macalin marwalba si weyn u jecel taariikhdiisa, una hayey, waxaanan kulankaa ku bartay weji cusub oo AHN Muuse Galaal, waaanu yidhi,

“AHN Muuse Galaal waxaan u haystay odey dhaqameed sheeko xariir ah oo gabyaa ah, balse waxaan ogaaday qoraalo kala duwan oo u ka qoray xidigiska iyo kuwo kale.”

Wasiiru-dawlaha Qorsheynta Qaranka Mr. Maxamuud Jaamac Muuse Galaal ayaa sheegay inuu buugaagtii yaalay jaamacada Ingiriiska ee AHN Muuse Galaal qoray ka mid ahaa buug luuqada AfSoomaaliga aynu maanta ku hadalo, taasina markhaati u tahay inuu ahaa aabahii AfSoomaaliga, waxaanu yidhi,

“Buug la yidhaahdo xikmat soomaali 1958-dii ayaa buugaa lagu daabacay Madbacada jaamacada Oford (Oxford Univesity Press), afsoomaaliga buugaasi ku qoran yahay waa luuqada aynu maanta isticmaalo, Marxuum Maxamed Siyaad Barre haduu yidhi guddi baan u saarnay oo annigaa libinta leh soo saarista AfSoomaaliga, waa BEEN, Boolina wuu ku dhaqmay.”

Mr. Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in AHN Muuse Galaal ahaa nin waddani ah oo qadiyadda waddanninimadu si weyn ugu jirto.

Martisharaftii kala duwanayd ee ka soo qeybgashay oo  qaarkood ka hadleen, ayaa dhamaantood si weyn u amaanay dhaxalkii AHN Muuse Galaal uga tegay ummada AfSoomaaliga ku hadashay, kuna baaqay in wax badan laga korodhsado.

Gebagebadii xafladaa oo jawi wanaagsan ku soo xidhmatay ayaa dad gaadhayey lixdan qof oo ka tirsanaa qoyskii AHN Muuse Galaal xafladana goob-joog ka ahaa u soo jeediyeen xukuumada iyo shacabka Somaliland in goobo taariikhi ah loogu magacdaro AHN Muuse Galaal.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories