HomeHargeysa: Daah-furka Buug ka Warramaya Taariikhda Sheekh Isxaaq

Hargeysa: Daah-furka Buug ka Warramaya Taariikhda Sheekh Isxaaq

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xaflad ballaadhan oo lagu daah-furay buug cusub oo si qoto dheer uga warramaya taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed, ayaa habeennimadii Jimcihu soo gelayey lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladda wanqalka buuggan oo uu soo qabanqaabiyey wargeyska madaxbannaan ee Jamhuuriya oo hore u daabacay buuggaas oo loogu magac-daray ‘Dheemantii Lagu Maamusay Maydh’, isla markaana uu qoray Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, waxa ka qaygbalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Maareeyaha Guud JMG Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil iyo mart-sharaf kale oo tiro badan.

buugga isaxaqMaareeyaha Guud ee JMG Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Jamhuuriya hore buuggan oo dhammaystiran si taxane ah u daabacay, isagoo tilmaamay in buuggaasi xambaarsan yahay xogo aad u muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii Sheekh Isaxaaq Binu Axmed oo hadda ka hor la daah-furin, waxaannu u mahad-celiyey qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.

Waxa kaloo Maareeyuhu uu guud ahaan bulshooyinka ku abtirsada Sheekh Isaxaaq ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan xogaha buuggani xambaarsan yahay si ay wax uga bartaan isirkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim oo ka mid ah xerta Sheekh Daahir, isla markaana aqoon fiican u leh taariikhda Sheekha ayaa isagu si qooto dheer uga sheekeeyey maraaxisha ay soo martay sooyaalka Sheekh Isxaaq, isagoo aakhirkiina da’ yartii iyo masuuliyiintii madasha timi ku dhiirigeliyey inay si fiican u dhugtaan taariikh dhacdooyinka iyo taariikhda uu buuggan xambaarsan yahay.

Xogyaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa akhristayaashii sida joogtada ah ula socday qormooyinkii bugga ee sida joogtada ugu soo bixi jiray wargeyska Jamhuuriya, kaasoo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii xiiso geliyey ee uu buuggu xambaarsana, isla markaana ku amaanay qoraaga inuu dadkiisa u soo gudbiyey wax dhaxal gal u noqda oo laga faa’iidaysan doono.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isagu tilmaamay inuu hore ugu talo jiray in uu aasaaso mac-had lagu barto culuumta diinta oo laga aasaaso halka uu ku asana si wax loogu baro da’yarta soo koraysa, isagoo u soo jeediyey dhammaan dadkii buuggan ka qaybqaatay hirgelintiisa inay arrintaasna ka shaqeeyaan si shacabka loogu faa’iideeyo, laguna baro diinta iyo taariikhdooda.

Ugu dambayntii qoraa Maxamed Cabdi Daa’uud oo isagu qoray buggaag badan, qaar kalena turjumay ayaa dadka halkaas uga akhriyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee buuggiisan xambaarsan yahay, isagoo waliba si qoto dheer u taabtay dhacdooyin tabanaayey dhibaatooyinka taarikheed ee uu soo maray Xaaji Isxaaq.

Dadweynihii halkaas ka qaybqaatay ayaa iyagu su’aalo ka weydiiyey qoraaga buuggisan, isagoo uga jawaabay si waafi ah oo ay ku qanceen.

Waxaana halkaas lagu iibsaday buuggaagtii ugu horraysay ee laga daabacay buuggan, kuwaasoo dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad uga heleen waxyaabaha uu xambaarsan yahay buuggani.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories