HomeHargeysa: Ciidanka Booliska oo Gacanta ku dhigay Saddex Dhalinyaro ah oo Midkood...

Hargeysa: Ciidanka Booliska oo Gacanta ku dhigay Saddex Dhalinyaro ah oo Midkood Xijaabka Dumarka lagu Qabtay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Boosliska ee magaalada Hargeysa, ayaa hawl-gal shalay gelinkii hore ka fuliyeen degmada Ibraahim Kood-buur ee Caasimadda ku qab-qabtay saddex dhalinyaro ah oo looga shakiyey falal ammaanka-darro, kuwaas oo midkood lagu qabtay isaga oo xidhan Xijaabka Dumarka.

Hawl-galka lagu qab-qabtay saddexda Dhalinyarada oo Kiro ugu jiray Guri ku yaala agagaarka Geerashka Gacan oo ku yaala Xaafadda Xero-Awr, isla markaana dhinaca Woqooyi ka saaran waddada 150-ka, ayaa ka dambeeyey kaddib markii dadka xaafadda oo ka shakiyey xidhiidh la sameeyeen Ciidamada Booliska

ciidamada booliskaSaddexda qof oo aan ciddooda iyo ujeeddadooda aan la aqoonsan, ayaa ku xidhan Laanta Dambi-baadhista ee ciidanka Booliska oo baadhistooda gacanta ku haya, sida , sida uu noo xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo aanu wax ka weydiinnay dhacadadan.

“Ciidanka Booliska ee Saldhigga Daloodho waxay gacanta ku dhigey saddex wiil oo dhalinyaro ah oo midkood xidhan yahay Xijaab, haatana waxay dhalinyaradaasi ku xidhan yihiin xarunta baadhista dambiyada ee C.I.D,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Mar aanu wedyiinnay waxa looga shakisan yahay dhalinyarada, waxa uu ku jawaabay, “Baadhistii ayaa socota, sidaa awgeed ka hor dhici mayo ilaa inta ay soo baxayso natiijada baadhista dhalinyaradani,” ayuu yidhi Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax, isaga oo intaas ku daray mahad-naq iyo Hambalyo uu u jeediyey dadweynaha ciidanka booliska ku soo war-geliyey, isaga oo dhinaca kale dadweynaha ku booriyey inay had iyo jeer la shaqeeyaan ciidanka booliska oo heegan u ah illaalinta amniga dadka ayuu yidhi Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax.

Dhinaca kale, Waxa Wargeyska Himilo u suurto-gashay inaanu helno Ciidda ka masuulka ah Guriga lagu qab-qabtay saddex qof si aanu wax uga weydiinno wakhtiga ay Guriga soo galeen saddexda dhalinyarada iyo sababta keentay in laga shakiyo.

“Gabadh aanu ilmaadeer nahay ayaa guriga leh, balse qoys kale ayaa kiro ugu jira, markii la ii soo sheegay arrintani gurigii ayaan tagay, waxaana la ii xaqiijiyey in laba wiil ay yimaadeen guriga oo uu mid ka mid ahi uu xidhay xijaab deena uu dibada u baxay oo uu ka nixiyey gabadh yar oo hor fadhida gurigooda oo ah sakadda gurigan ka horeysa, sidaa awgeedna ay gabadhii yareyd qaylisay oo jaarkii ku soo baxeen oo ay eryadeen, iyadoo la eryanayo ayuu galay gurigii, waa laga dabagalay oo qolkii ay galeen ayaa dusha lagaga xidhay, kaddibna booliskii ayaa yimid wuxuu gurigii ugu galay saddex wiil iyo laba hablood oo yar yar, waxaanu boolisku kexeeyeen saddexdii wiil ee dhalinyarada ahaa ee mid ka mid ahi uu xidhay xijaabka dumarka,” Sidaas waxa yidhi nin magaciisa ku sheegay Mowliid oo Wakiil ka ah Guriga saddexda dhalinyarada ahi ku jireen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories