HomeHargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay 10 Harimcad laga Tahriibinayey Dalka

Hargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay 10 Harimcad laga Tahriibinayey Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland oo oo kaashanaya ciidamada Ammaanka, ayaa gacanta ku dhigay Toban Harimcad oo sifo sharci-darro ah looga dhoofinayey dalka.

Fal-dembiyeedkan ayaa lagu soo qabtay laba eedeeysane oo rabay inay xeebaha dalka ka dhoofiyaan Harimacadka, iyada oo laga soo qabtay deegaanka xeedho, waxaana hawgalkii lagu soo qabtay iska kaashaday ciidanka Booliska ee saldhiga Daloodho iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waaxda u qaabilsan Arrimaha Duurjoogta.

blank
Harimcadka la qabtay

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Daloodho Gaashaanle Kayse Suudi iyo Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda deegaanka Cabdinaasir Xuseen Siciid oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay Harimcadka la qabtay, ayaa sheegay in eedeysaneyaashaas dhawr jeer oo hore ay maxkamadi ku xukuntay, iyaga oo ka ganacsanaya xayawaankaas isla markaasna ay Wasaaraddu goor hore ka war-heshay in sifo sharci darro ah looga dhoofiyo xeebaha dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin u direen bulshada Somaliland oo ay ka codsadeen in duurjoogta lagu ilaaliyo tilmaamayna inay tahay kheyraadkii iyo nimcadii dalkani lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Cabdinaasir Axmed Xirsi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay farxad u tahay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaayshan isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan sharciga loo horgeyn doono, wuxuuna intaas raaciyay in 23-kii bishii hore ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kale oo ku hawlanaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta, isagoo ku gooddiyey in sharci la horgeeyo eedaysaneyaasha.

Warbixin ay dhawaan soo saareen urur u dhaq-dhaqaaqa ilaalinta Xuquuqda Duur-joogta gaar ahaan Harimcad-ka, ayaa lagu sheegay inay Somaliland xuddun u tahay Harimcadka sida sharci-darrada ah looga ugaadhsado Bariga Afrika, iyadoo loo dhoofinayo dalalka Khaliijka Carabta.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories