HomeHargeysa: Ciidamada Amaanka oo Gacanta ku dhigay Gaadhi loo Adeegsaday Dilka Marxuum...

Hargeysa: Ciidamada Amaanka oo Gacanta ku dhigay Gaadhi loo Adeegsaday Dilka Marxuum Meykiisa laga helay Naasa-hablood iyo baadigoobka dadkii ka dambeeyey oo socota

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan gaadhi lagu tuhunsanaa in lagu fuliyey dilka Marxuum todobaadkan Meydkiisa laga helay agagaarka Buuraha Naasahablood ee Duleedka Woqooyi-Bari ee Caasimadda Somaliland.

Alle ha u naxariistee Marxuumka Meydkiisa laga helay agagaarka Naasahablood oo lagu magacaabis jiray Nuur Muuse, ayaa Meydkiisa shalay lagu aasay magaalada Hargeysa, kaddib baadhitaanno lagu wado muddo laba maalmood ah.

Booliska-Somaliland1Baabuurka oo lagu tuhmay inuu La socday Marxuumka, waxa ciidamada ammaanka ka caawiyey dad shacab ah, sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola hawl-galka Ciidamadu ammaanku u galeen baadi-doonka fal-dambiyeedkan, iyada oo ilaa immika lagu daba-jiro dadkii falkaas geystay oo aan gacanta lagu haynin.

Warku waxa uu intaas ku daray in Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaan Indha-cadde ay ciidamada Ammaanku shalay galabnimadii ka heleen isagoo yaala agagaarka Masjid Jaamaca Hargeysa, waxaana isla markiiba loo kaxeeyey isla markaan la geeyey xarunta dembi baadhista CID-da Hargeysa.

Qabashada gaadhigan ayaa la sheegay inay ka dambaysay baadhitaanka kiiska Dilka loo geystay Marxuum Nuur Muuse oo ahaa Darawallada gaadiidka yar-yar ee gudaha magaalada ka ganacsada, kaas oo markii meydkiisa la helay lagu arkay Dhaawacyo Jidkiisa loogu geystay Toorrey lala dhadhacay oo markii dambe sababtay inuu geeriyoodo, kaddib badhitaano lagu sameeyey Meydka Marxuumka oo labadii maalmood ee u dambeeyey yaallay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Dadkii ka dambeeyey falkan, ayaan ilaa immika suurta-galin in gacanta lagu dhigo, haseyeeshee gaadhiga lagu xidhiidhiay in falka dilka loo adeegysaday, ayaa la filayaa inuu ibo-fur u noqday helitaannka gacan-ku-dhiiglayaashii dilka geystay.

Tilmaamaha gaadhigan ayaa sida la sheegay ciidamadu ku ogaadeen xog-waraysiyo laga qaaday dad shacab ah oo deggen agagaarka goobta Meydka laga helay,  waxaana la sheegay in wixii maalintaas ka dambeeyey uu gaadhigaasi yaallay goobta shalay laga helay, sida ilo-wareedyo u dhuun-daloola xogo ka baxay baadhitaanka la sameeyey ay u xaqiijiyeey Wargeyska Himilo.

Ehelka Marxuumka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo aanu isku-deynay inaanu la xidhiidhno xalay, ayaan noo suurta-galin.

Magaalada Hargeysa, ayaa mararka qaarkood laga helay meydadka dad aan la aqoonsan ciddii dishay, mana jiraan natiijada baadhitaanno ka soo baxa laamaha Ammaanka oo la shaaciyo inta badan.

@Himilo Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories