HomeHargeysa: Carwada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah oo maanta si rasmi ah u...

Hargeysa: Carwada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah oo maanta si rasmi ah u Furantay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bandhiggii shanaad ee buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay dadweyne badan oo ay ka mid yihiin, aqoonyahanno, suugaanyahanno, qoraayo iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo ka soo kicitimay Daafaha Dunida.

Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Cli Siciisd Raygal oo xafladaas furay ayaa si diiran u soo dhaweeyay Bahda Carwadaasi oo ay gadhwadeen ka yihiin ururka dhaqanka iyo suugaanta ee REDSEA CULTURAL FOUNDATION. “Aad iyo aad baan si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaa Somaliland madashan quruxda Badan ee ay inoogu soo bandhigeen buugaag. Runtii markaan soo galayay ayaan isha ku soo dhufty buugaag isugu jiray kuwo sheekooyin ah, kuwo taariikh ah iyo kuwo aqoon badani ku duugan tahayba, dhamaan buugaagtaasi waxa qoray aqoonyahano reer Somaliland ah, waxaanan leeyahay waa in tacabka intaa leeg ee la galiyay buugaagtaasi laga faa’iidaystaa” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal.

blankQoraa Jaaamac Muuse Jaamac, ayaa warbixin ka bixiyay carwada buugaagta, waxaanu ku dheeraaday heerarkii ay soo mareen mudadii shanta sano ahayd, isagoo gaar ahaan u xusay Maktabada Wareegta oo ay sanadkan min Boorama ilaa Ceerigaabo geeyeen. Waxaanu sharaxay in martida iyo dadka lagu casuumay bandhigga buugaagtan ay ka kala yimaadeen dalal badan oo caalamka ah oo ay ka mid yihiin, dalalka Yurub, Maraykanka, Ruushka, Carabta iyo Talyaaniga, kuwaasoo sanadkan uu sheegay inay kala qayb qaadanayaan barnaamijkan isagoo xusay inay mudada lixda cisho ah ka jeedin doonaan mawduucyo kala duwan oo ay ugu talagaleen inay dhalinyarada iyo Bulshaduba ka faa’iidaysan doonaan. “Sanadkan waxaanu doonaynaa in aad looga faa’iidaysto oo ay ka soo baxaan halkaynu ka nimid, halkaynu joognaa iyo halkaynu u soconaa. Waa fursad muhiim ah oo dhalinyarada Somaliland loo baahan yahay inay ka fikiraan, gaar ahaana sidii looga bixi lahaa Aqoon-darada iyo Qabyaaladda” ayuu yidhi

blankAbwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka hadlay bandhigaasi ayaa sheegay inaan la khasaarinin tacabka hawl-wadeennada REDSEA CULTURAL FOUNDATION, gaar ahaan Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur oo hawshan gadhwadeen ka ah. Waxaanu ku booriyay dadweynihii ka soo qayb galay in laga faa’iidaysto muddada uu bandhiggu socdo.

Dhinaca kale, waxa qaybtii dambe ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo ahayd munaasibad ballaadhan, kana qayb-galeen marti ka socota baanka adduunka, ganacsatada waawayn ee dalka, iyo xukuumadda, lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

blankMunaasibaddaas oo ay goob-joog ka ahaayeen wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Cabdirashiid Maxamed Dahab-shiil oo metelayay ganacsatada, baanka adduunka iyo sidoo kale maalgeliyayaal kale, ayaa waxa lagaga dooday Somaliland iyo maalgelinta mustaqbalka.

Wasiirka oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday qorshaha Somaliland ee ilaa sanadka 2030, waxaanu soo bandhigay lacagayow uu sheegay in loo baahan yahay si horumarka wax looga qabto.

blankWaxa kale oo halkaa ka hadlay Cabdirashiid Maxamed Dahabshiil, Maxamed Yuusuf Cali Gurey oo  ah ganacsade reer Somaliland ah iyo masuuliyiin ka socday baanka adduunka. Waxaanay masuuliyiinta ka socday baanka adduunku sheegeen in ay Somaliland ka bilaabayaan mashruuc maalgelin ah oo dhan 3-Milyan iyo badh dollar.

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories