HomeHARGEYSA: Biyo-la’aantii ugu ballaadhnayd oo Xalay u bilaabantay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo...

HARGEYSA: Biyo-la’aantii ugu ballaadhnayd oo Xalay u bilaabantay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dooxa hargeysa (1)Hargeysa (SLpost)- Biyo la’aan tii ugu xumayd muddo dhowr iyo labaatan sanno ah, ayaa soo food-saartay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kaddib markii daadad Xoog badan oo xalay soo maray Dooxa Hargeysa Burburiyeen Beeb weyn oo Biyaha Gaadhsiiya magaalada Hargeysa oo Xaafadahaas biyaha u geyn jiray.

Beebka weyn ee Daadadku khasaaraha u geysteen oo ka tallaaba meel dhinaca Bari ka xigta biriishka Koowaad ee magaalada Hargeysa, waxa maanta booqday masuuliyiin sar-sare oo uu horkacayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

dooxa hargeysa (3)Maareeyaha oo ka hadlay sida ay uga hawl-galayaan hagaajinta Burburka ku yimi Beebka Biyaha, ayaa sheegay inaanay sahlanayn dayac-tir lagu samayn karo Beebka biyaha maadaama lagu jiro xilli-roobaad.

“Waxa xalay Daad weyn oo soo rogmadey uu jarey Beebkii weynaa ee ka talabayey Dooxa oo ah beebka waraabiya labada Degmo ee Maxamud Haybe iyo Axmed Dhagax oo mara bariga Birishka koowad ee Magaalada Hargeysa,” Sidaas waxa yidhi maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo arrintan ka hadlay.

dooxa hargeysa (2)Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Waxaananu ilaahay ka baryeynaa in uu noo dhib yareeyo sameyntiisa oo ah hawl aad u adag maadama oo lagu jiro xiligii roobka.”

Si kastaba ha ahaatee, In kasta oo aan garan karin muddada ay qaadanayso hagaajinta Beebka biyaha ee Daadadku burburiyeen, haddana Xaafadahaas ayaa ka mid ahaa degmooyinka magaalada Hargeysa ee inta badan biyo la’aanta ka cawda. Haseyeeshee, burburka ku yimi Dhuunta Biyaha u geysa xaafadahaas oo noqonaysa markii u horeysay ee khasaaraha intan le’eg ku yimaaddo, ayaa sii kordhinaysa baahida biyo-yaraaneed ee dadweynaha xaafadahaasi hore uga caban jireen.

dooxa hargeysa (5)Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo sababta biyo-yaraanta xaafadahaas dhowaan wax laga weydiiyey, ayaa sheegay in korodhka meheradaha ku yaalla badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa ay sababta u tahay biyo-yaraanta maadama oo biyihii xaafadahaas u socday sii maraan Suuqa weyn ee Caasimadda oo meheradaha iyo shacbiyaddiisu sii kordhayeen sannadkihii u dambeeyey.

dooxa hargeysa (4)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sannadihii ugu dambaysay ku hawlanayd mashruuc biyo-ballaadhin laga hirgelinayo magaalada Hargeysa iyadoo la kaashanaysa Midowga Yurub oo maal-gelintiisa bixiyey.

SOMALILANDPOST.NET

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories