HomeHargeysa: Bandhigga Buug ka Hadlaya Warqad Odayaal Soomaaliyeed u Direen Suldaan Carbeed...

Hargeysa: Bandhigga Buug ka Hadlaya Warqad Odayaal Soomaaliyeed u Direen Suldaan Carbeed Sanadkii 1837kii

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Buug laga turmujay warqad odayaal Soomalaiyeed u direen 1837kii Sheekh Suldaan Binu Saqar oo ka talin jiray degaanka Shaariqa amma Ra’sul Khayma oo ka mid ah dhulka Khaliijka Carabta, ayaa lagu soo bandhigay hoolka dallada dhallinyarada SONYO ee magaalada Hargeysa.

Xafladda lagu daah furay buuggan waxa ka qaybgalay Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Ciyaaraha Ibraahim Maxamed Diiriye, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Buug yarahan laga turjumay warqadan taariikhiga ah oo uu qoray Cumar Cabdi Iidan, ayaa ay soo ansixiyeen sida uu qoraagu sheegay qoyska iyo eheliyada Suldaan Binu Saqar, gaar ahaan maktabad uu leeyahay Dr. Suldaan Bin Maxamed oo isagu waraaqdan luuqada Carabiga buug ahaan ugu beddelay.

Cumar Cabdi Iidaan oo buuggan u hal-tebiyey luuqada Soomaaliga, ayaa sheegay ilaalinta xaqul qoraalka (copy right) ay ka soo wajahday carqalad aad u dheer, kadib markii uu muddo dheer raadinaayey Dr. Suldaan Bin Maxamed oo buugga carabiga ah ee warqada laga sameeyey qoray, taasna ay u suuragashay inuu muddo badan kadib helo, buuggana ay soo ansixiyaan suldaanka iyo eheliyadiisu.Cumar IIdaan

Geesta Kale, qoraagu waxa uu sheegay in waraaqdan aan la reerayn, balse laga faa’iidaysto taariikhda ku qoray, isagoo ka martisharafta bandhiga ka soo qaybgashay wax uga taabtay dhacdooyinka uu xambaarsan yahay buuggan.

Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa iftiimiyey in hal-tebinta warqadan uu talo ku lahaa, balse waxa uu iftiimiyey in warqadan mugdi badan ku jiro oo loo baahan yahay in dhallinyarada Somaliland cilmi-baadhis iyo dabagal ku samayso si ay u xaqiijiyaan taariikho badan oo is burinaya oo warqadu xambaarsan tahay.

Agaasimaha Waaxda iyo Dalxiiska Ibraahim Maxamed Diiriye, ayaa qoraaga buuggan ku tilmaamay inuu yahay mid isku hawlaha baadhiska taariikhda iyo raadadka dhaxal ahaan ummadda Soomaalida ka tageen, isagoo da’ yarta kula dardaarmay in ay ku dhiiradaan qorista iyo ka midho dhalinta taariikhda awoowayaashood ee u baahan in kayd iyo cilmi-baadhis lagu sameeyo si loo helo taariikho sugan.

Mr. Xamse Cumar Kujoog oo ku hadlaayey afka ururka Hiilqalin oo soo qabanqaabiyey xafladda bandhiga buuggan, ayaa sheegay in buug yarahan xambaarsan yahay taariikh loo baahan yahay in wax badan laga ogaado, isagoo urur ahaan ballanqaaday in buuggaag badan oo kale oo da’ yar qortay, kana waramaya taariikh la soo bandhigi doono.

Ugu dambayntii waxa halkaas su’aalo dhawr ah oo buuggan taabanaya lagu waydiyey qoraaga buugga Cumar Cabdi Iidaan, isagoo ka jawaabay su’aalaha da’ yartu waydiisay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories