HomeHARGEYSA: Baahinta Qaybta Afka Carabiga ee Telefishana Qaranka oo si Rasmi ah...

HARGEYSA: Baahinta Qaybta Afka Carabiga ee Telefishana Qaranka oo si Rasmi ah loo Daahfuray

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Baahin cusub oo ku baxaysa luqadda Afka Carabiga oo lagu soo kordhiyey Telefishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV, ayaa maanta si rasmi ah loo daah-furay.

Munaasib xarunta telefishanka loogu sameeyey maanta ku dhawaaqista qaybtan Carabiga oo laga sii dayn doonayo warar iyo barmaamijyo, waxa ka qaybgalay, Wasiirrada Wasaaradaha WarfaaQfinta iyo Diinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxa Maktabadda Masaaridu ku leedahay Hargeysa, madax kale, siyaasiyiin, shaqaalaha Warfaafinta iyo marti sharaf kale.

telefishankaMaareeyaha telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey qaybta cusub ee luqadda Carabiga oo uu sheegay in ay ka qayb-qaadanayso soo noolaynta xidhiidhkii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo dawladaha Carabta oo ah mid muhiimad wayn u leh dalka, isla markaana muddadii la tijaabinayey meelo badan si wayn looga soo bogaadiyey, isagoo si gaar ah u xusay safiirka Masar u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu u sheegay in isaga iyo diblomaasiyiin kale daawadeen, kuna bogaadiyeen.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyey tallaabadan ay ku hirgeliyeen luuqadan Carabiga Wasiirrada Warfaafinta iyo Maaliyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu sheegay inay u shaqaalaysiiyeen 7 qof oo ka hawlgeli doona baahinta qaybtan oo wararkeedu habeen walba bixi doonaan 10:00 iyo 12:00 habeenimo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada qaybtan cusub ee Af-carabigu tahay sidii wararka iyo barnaamijyada Somaliland ee telefishanku u gaadhi lahayeen waddammada Carabta, kuwaasi oo diin iyo dhaqanba Somaliland la wadaagto oo uu sheegay in dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay waqtigan la samaysay xidhiidho muhiim ah.

Wasiir Cukuse waxa uu xusay in tallaabadan ay wasaarad ahaan qaadeen tahay mid ka mid ah siyaasadda xukuumadda ee u dejisan horumarinta telefishanka Qaranka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi oo isna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qabytan cusub oo uu ku ammaanay masuuliyiinta warfaafinta, isagoo tilmaamay muhiimada luuqadda Carabigu leedahay iyo baahida loo qabo in la horumariyo. Waxa kale oo uu Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadiyey hirgelintii Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo si joogto ah looga dhegaysto Qur’aanka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Axmed Nuur Faahiye, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Ireland Cabdifataax Siciid Axmed, Madaxa Maktabadda Masaarida ee Somaliland, Fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige iyo Xaashi Muuse oo ku hadlayey afka dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood si farxad leh u soo dhaweeyey qaybta Afka Carabiga ee lagu soo kordhiyey telefishanka Qaranka oo ay ku tilmaameen mid guul u ah dalka iyo dadka reer Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories