HomeHargeisa BYPASS: Jid muhiimad u leh caasimadda Hargeysa oo dhismihiisa la dhagax-dhigay

Hargeisa BYPASS: Jid muhiimad u leh caasimadda Hargeysa oo dhismihiisa la dhagax-dhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay waddo cusub oo isku xidhaysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo oo dhan 22.5KM, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda dhagax-dhigga, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay safiirro ka socda dalalka Ingiriiska, Imaaraadka, Taywaan (Taiwan), madaxda kala duwan ee mashruuca DP World, guddoomiyaha xisbiga UCID, xubno kamid ah golaha wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Maayarka Caasimadda iyo ku xigeenkiisa, madaxda shirkadda dhismaha waddada gacanta ku haysa iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay waddadani leedahay iyo kaalinta ay ka qaadanayso isu socodka gaadiidka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ugu horrayn Madaxa mashruuca Berbera Corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa isaguna si hufan u sharraxay waddadan cusub ee caasimadda lagaga yaraynayo cidhiidhiga gaadiidka, waxana uu tilmaamay inay waddadu yeelan doonto Biriijyo waaweyn iyo Buundooyin yaryar oo biyuhu mari doonaan, islamarkaana hareeraha waddada la beeri doono, lana ilaalin doono buuraha astaanta u ah caasimadda ee Naasa Hablood oo ay waddadu duleedkeeda mari doonto.

Madaxa DP World u qaabilsan mashruuca Berbera Corridor, Mr. Angus Miller oo munaasibadda ka hadlay, ayaa caddeeyey inay ka go’an tahay dhammaystirka waddadan muhiimka, isaga oo intaas ku daray inay hawsha waddada wax badan ka qabteen, kuna dedaali doonaan inay ku dhammaystiri doonaan muddo 22 bilood ah.

Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster oo ay dawladdeedu maalgelinayso mashruuca waddadan, ayaa iyaduna ku dheeraatay muhiimadda ay waddadani u leedahay qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso isu socodka gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo yaraynta cidhiidhiga xagga gaadiidka ah ee haysta caasimadda Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ay hoos yimaaddaan dhammaanba mashaariicda dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka socda oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dheer, ayaa tilmaamay in dhismaha waddada cusub ee maanta la dhagax-dhigay ay kamid tahay mashruuca weyn ee Berbera Corridor, si gaar ahna ay dawladda Ingiriisku u maalgelisay waddada qaybta cusub ee maanta la dhaga-dhigay, islamarkaana ay ku baxayso lacag dhan 17milyan oo Dollar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ammaanay horumarka iyo dedaalka ka socda guud ahaanba mashruuca Berbera Corridor ee lagu dhisayo waddada Berbera iyo Wajaale oo la hubo inay wax badan ka tarayso horumarka dalka, koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ganacsatada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay waddooyin u dhisan lahaayeen, una fududayn lahaayeen isku xidhka gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaynu u baahannay inay maskax iyo muruq isugu geynno sidii aynnu waddooyin u dhisi lahayn, inta la inaga caawiyaana waa Alxamdulilaahi, laakiin innagu weynnu dhisi karnaa baan qabaa waddooyin Badan, waxana jecelahay inaan qolada Ganacsatada ah iyo maalqabeenka dalka usoo jeediyo inay dhisi karayaan waddada Burco ilaa Hargeysa.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, waayeelka, madaxda iyo culimada Somaliland inay ka shaqeeyaan wada-jirka iyo midnimada shacabka, loona diyaar garoobo doorasho bilaa turxaan ah oo inoo qabsoonta.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah u dhagax-dhigay waddada weyn ee Labada Boqol oo socon doonta muddo ku siman 22 bilood oo haatan ka bilaabmaysa, isagoo soo kormeeray waddada cusub oo inteeda badan carro-tuulkii la dhigay.

blank blank blank blank

blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default
blank
default
blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories