HomeHantidhawrka Qaranka Somaliland Oo Qaaday Talaabooyin Lagaga Hortagayo Lunsiga Hantida Qaranka Wakhtiga...

Hantidhawrka Qaranka Somaliland Oo Qaaday Talaabooyin Lagaga Hortagayo Lunsiga Hantida Qaranka Wakhtiga kala Guurka.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeisa(Sp):-Haayada Hantidhawrka Qaranka Somaliland Oo u Qaabilsan Ilaalinta Iyo la Socoshada Xisaabaadka Maamulka Kala Duwan ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dalka ayaa Saddexdii Bilood ee U danbeeyey Laba Jibaaray Shaqadii hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland U Qaabilsanaa Dalka.

Waxaa Dhammaan Gobolada Iyo Dagmooyinka Dalka Loo Kala Diray Kooxo Kala Duwan oo ka Socoda Saraakiisha Xafiiska hantidhawrka Qaranka Kuwaas oo baadhitaano Iyo Dabagal Xisaabeed Ka wada Xafiisyada Loogu Adeego Shacabka.

Sidoo Kale Saraakiisha Xafiiska Hantidhawrka Qaranka Somaliland Ayaa Tirakoob Dhammaystiran Ku Sameeyey dhammaanba Gaadiidka kala Duwan ee Ay isticmaalaa Wasaaradaha iyo Haayadaha Kala Duwan ee Qaranka Somaliland, gaadiidkaasi oo isugu jira kuwo fadhiistay  cilado ku yimid darteed iyo kuwo  Ilaa Hadda Shaqeeya ee hawlaha qaranka lagu qabto.

Dhinaca Kale iyagoo Fulinaya una hogaansamaya Amarkii madaxweynaha Somaliland Uu dhawaan Ka Soosaaray Ilaalinta hantida Qaranka Somaliland in Xafiiska hantidhawrka guud u Shaqeeyo Sidii loogu Talogalay islamarkaana la libinlaabo hawshii shaqo wakhtiga kala guurka ayaa hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland mudane Siciid Saleebaan Mireoo kaashanaya Agaasimaha Guud ee Hantidhawrka qaranka mudane Axmed Xaashi Cilmi Waxaa Ay Amaro Culus Kasoo Saareen Masuuliyiinta Kala Duwan ee Wata Baabuurta Dawlada ee aan Lahayn Taarikada Lagu Aqoonsado Baabuurta Dawlada ee Loo Yaqaan GT-da, Kuwaas Talaabooyin Wax Ku ool ah oo lagu sugayo Gaadiidka dawlada Ay fareen  dhammaanba masuuliyiintii lagu arkay ee watay gaadiidka aan lahayn Sumadaasi Looyaqaan GT ee lagu garto ama aqoonsado baabuurta dawlada.

Hantidhawrka-Guud-ee-Qaranka-Somaliland

Waxaana Dhammaanba Baabuurtii Ay Ku Xidhanaayeen Lanbarka privateka ah ee Aan Sidan Bileydhada dawlada laga bedelay iyadoo lagu xidhay lanbaro GT ah.

Qorshahan Iyo Talaabooyinkan lagu Sugayo hantida Qaranka Ayaa Hantidhawrka Guud isagoo Kaashanaya Laamaha Kala Duwan ee Dawliga ah ee Wada Shaqaynta Leeyihiin Sida Ciidamada Amaanka iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Ay Si Xeeldheer Baadhitaan iyo tiro koob Qaatay Todobaadyo Ku Sameeyeen gabi ahaanba haayadaha Dawlada,Wasaaradaha iyo haayadaha gaarka ah ee qaranka u qaabilsan hawlaha kala duwan kuwaas oo Kooxo gaar ahi u kala baxeen gobolada iyo degmooyinka xarun kasta oo dawladeed si loo ogaado tirade agabka hantida qaranka ah ee hoostaala iyo tirada gaadiidka ah ee ay adeegsadaan.

Waxaana Tirokoobkaasi oo isugu jira Gaadiid iyo Agabka Xafiisyada ee Kala Duwan oo Si madax Taabasho Ah loo Sugay ay saraakiisha xafiiska hantidhawrka qaranku kasoo saareen Amaro lagu iaalinayo wakhtiga kala guurka ee doorashada madaxtooyada Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin  si looga hortago Wasaarad kasta  haayad kasta Hantida Qaranka ee Ay Ku Shaqaynaysaa aaney Meel dhexe uga Bixin una dhicin Musuqmaasuq sababa in hantidii qaranku lunto.

Si Kastaba Ha ahaatee Talaabadan Ayaa Kusoo Beegmaysa Wakhti Xasaasi Ah oo Shacabka Somaliland Dooranayaan Madaxweynaha Hogaamin doona Shanta Sano ee Soosocota Kaas oo Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ay Xilka Ku Wareejin doonto,

Waxaana Hawlahani ku Qotomaan Nidaamka iyo Habsami u Socodka wanaagsan ee Haayadaha  Qaranka Somaliland ee uu seeska u dhigay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kuwaas oo ka fog musuqmaasuq iyo Madmadow ku yimaada Hantida iyo Agabka haayadaha kala duwan ee qaranka.

Talaabooyinkan Ayaa Ka Danbeeyey Kadib markii muddo Bilo ah ka hor  uu madaxweynaha qaranka Somaliland isugu yeedhay haayadaha ilaalinta hantida qaranka kuwaas oo uu amar ku faray In Si Mug iyo Miisaan Leh loo sugo hantida Qaranka Lagana hortago Ficil kasta iyo Talaabo kasta oo Lagu Lunsan karo hantida Qaranka.

Waxaana Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Uu isha Ku Hayaa Wakhtigan Dhamaanba Dhaqdhaqaayada Xisaabaadka iyo Gaadiidka Kala duwan ee Laamaha Qaranka Oo hore tiro koob sugan ay ugu sameeyeen.

Waxaana Masuuliyiinta Hantidhawrku hore warbaahinta ugu mariyeen dhammaan xafiisyada in masuul kastaa xil iska saaro ilaalinta hantida qaranka, cidii ka dhago adaygtana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories