HomeShirkadda Dahabshiil oo caddaysay in Macluumaad-koodu Xafidan yahay, Sharcigana la tiigsanayaan Ciddii...

Shirkadda Dahabshiil oo caddaysay in Macluumaad-koodu Xafidan yahay, Sharcigana la tiigsanayaan Ciddii ka dambaysay Dacaayad laga baahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa  (Slpost)- Shirkadda Dahabshiil ayaa mar kale beenisay dacaayado ay qaar ka mid ah shabakdaha Wararka Soomaalidu ka faafiyeen maalmihii la soo dhaafay, kaasi oo ku saabsanaa in la jabsaday keydka Xogta shirkadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in system-ka shirkadda Dahabshiil ku shaqayso yahay mid aammin ah oo aanay waxba soo gaadhin isla markaana hawlihii shirkaddu macaamiisheeda u qaban-jirtay sidoodii uga socdaan meel kasta.

War-saxaafadeedka Shirkaddu soo saartay waxa lagu sheegay in xogta lagu baahiyey mareegaha Internetka qaarkood ay tahay mid been abuur ah, kooxda dacaayadda shirkadda ka baahisayna ay sharciga la tiigsan doonaan.

War-saxaafadeedka Shirkadda oo dhammeystiran ayaa u dhigan sidan:

“Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah.

Hore waxa shirkaddu u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara.

Waxa kale ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1. Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2. Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3. Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories