HomeHanti-dhowrka Qaranka oo Baadhis ka bilaabay Wasaaradda Caafimaadka iyo Cusbitaalka Guud ee...

Hanti-dhowrka Qaranka oo Baadhis ka bilaabay Wasaaradda Caafimaadka iyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Hanti-Dhowraha Guud oo ka hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa baadhis la xidhiidha hubin iyo sixid-maamul ka bilaabay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ay ku jiraan Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaalka Qaaxadda ee Hargeysa.

War-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, ayaa lagu sheegay in baadhista ay fuliyaan shaqaale ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka oo dhawaan lagu tabobaray nidaamka loo sameeyo Baadhisaha Caalamiga ah ee la xidhiidha musuq-maasuqa.

blankWaxa uu Hanti-dhowraha Guud ka codsaday masuuliyiinta Wasaaradda, hay’adaha dowladda iyo kuwa Caalamiga ah ee wada-shaqayntu ka dhaxayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka inay hawl-wadeennada Xafiiska Hanti-dhowrka la shaqeeyaan una fududeeyaan masuuliyadda hawsha loo xil-saaray muddada ay ku gudo-jiraan.

Warka qoraalka ah ee ka baxay xafiiska hanti-dhowraha Guud ayaa u qornaa sidan:-

“Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka isaga oo ka duulaya waajibaadka dastuuriga ah ee uu Qaranka u hayo wuxuu shaqo baadhis, hubin iyo sixid maamul leh ba ka bilaabay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku jiro Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaatka TB-da ee Caasimadda Hargeysa.

Waxa Xusid mudan in Saraakiisha baadhistan ka qayb-qaadanaysaa ay u badan yihiin hawl-waddeennadii bilihii u dambeeyay Lagu tababarayay habka iyo nimaadyada baadhisaha ee caalamiga ah, taasi oo soo dedajin doonta in ay inooga soo baxdo xarumaha aanu baadhista ka bilawnay sannadkan natiijo wax-ku-ool ah oo Ia Isku halayn karo.

Sidoo kale, waxaan si sharaf Leh uga codsanaynaa in ay wada-shaqaynta La bar-bar istaagaan dhammaan Hay’adaha Maxaliga ah, kuwa Caalamiga ah ee kaLa duwan ee taageera Wasaaradda Horumarinta Caaflmaadka, iyo xafiis kasta oo Looga baahdo xog-wadaagis La xidhiidha nooc kasta oo maaliyadeed, dhaqaaLe iyo lacageedba.

Waxa mudan iyana in aynu agaano Ujeeddada baadhista waxa weeye in aynu helno Jawi ka nabdoon nooc kasta oo ah wax-isdaba-marin, lana sugo habka Isla xisaabtanka lyo hirgelinta xeerarka La dagaalanka musuq-maasuqa, iyadoo La abuuray Jawiga lsla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta (Accountability and Transparency). Si Shacab-waynaha kale duwanna loogu sheego halkay gashay cashuurtoodii iyo waliba habka loo lsticmaalay Iyadoo mar walba la abuurayo kalsoonida dadwaynaha JSL gudo iyo dibedba, waajib Qaranna ay tahay in aynu dhisno, adkayno isla markaana aynu hagaajinno tiirarka Maamul-wanaagga qaranka.” Sidaas ayuu Hanti-dhowruhu ku sheegay qoraalkan oo uu soo saaray maanta oo taariikhdu tahay 10-ka Bisha March, 2020-ka.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories