HomeHanti Dhowrka Guud ee Somaliland oo bilaabay baadhis ay ku samaynayaan Wasaaradda...

Hanti Dhowrka Guud ee Somaliland oo bilaabay baadhis ay ku samaynayaan Wasaaradda Arrimaha Debedda oo Musuq-maasuq lagu Eddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)-Hanti Dhowra Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ismaaciil (Maxamuud dheere), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay badhitaan Musuqmaasuq oo ay ka bilaabeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhawaan Agaasimihii hore ee xilka iska casilay ku eedeyey inay lunsatay hanti badan.

blankHanti dhowr guud ee qaranka waxa uu sheegay in aqbaleen codsigii wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku dalbatay in baadhitaan lagu sameeyo Wasaaradda, isaga oo arrimahan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Haddii aan idinka waramo arrinta la xidhiidha Wasaraadda Arrimaha Dibadda, waxaan filayaa waxa suuqa ku jirta hanti dhowr ayaa loo yeedhay oo la galiyay ama loo diray. Laakiin baadhista xaqiiqdii markaan ka hadlo  hanti dhowrku wuxuu  u xilsaran yahay inuu sannad walba xisaab xidhka miisaaniyadda u gudbiyo golaha Wakiilada,”ayuu yidhi Hanti Dhowraha guud ee qaranka Maxamuud Aw-Cabdi Ismaaciil oo u warramayay telefishanka HCTV.

Hanti dhowruhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, “Laba baadhis ayaanu samaynay oo la yidhaahdo intaanu khaladku dhicin ee dakhliguna uu bixin ama la qaban in aanu kantarool oo aanu hab u sii-dhigno oo  aanu ka hortag. Waxa la yidhaahdaa baadhista hore, baadhista noo xigtaa waxa weeye ee Wasaaradkaas ta noo soo maraysaa marka aanu miisaaniyada aanu diyaarinayno, waa na loo soo gudbiyaa markaa anaga ayaa hanti dhowr ahaan dib u sii baadhna. “Arrintaas oo Wasaaraddkasta iyo hay’addkasta oo lacag misaaniyeed leh ama lacagi ay gashay nooca ay tahayba way na soo maraysaa.”

Hanti Dhowraha guud ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garawgii miisaaniyadda ee 2011-ka “Markaa anagu waxaanu ku jirnaa diyaar-garawgii miisaaniyadii 2011-ka oo aanu gaynayno Gollaha Wakiiladda bisha June.Wasaradda arrimaha debadu waxay ka mid ahayd wasaraddihii aanu bil ka hor aanu baadhnay,”ayuu yidhi Hanti dhowraha guud ee qaranku

Sidoo kale, hanti dhowruhu waxa uu sheegay inay baadhitaankaas ay muddo ay wadeen isaga oo sheegay inay warbixin dheer ay  ka soo saari doonaan oo ku aadan baadhitaanka ay ku sameyeen Wasaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland “Sidii nidaamku ahaa ayaanu u raacaynaa, mana jiraan wax naga khaldamay, oo waxa lagala kulmaa lacagtii oo si wacan u baxday ama lacagtii oo si fiican loo qabtay oo Qasnadii dawlada lagu xareeyay iyo lacagtii oo si wanaagsan oo sharci ah u baxday. Markaa waxaanu dad waynaha u balanqadaynaa in aanu si caddaalada u baadhayno oo haddii wax masuqmaasuqa ah meel kasta ha ka dhacee, cid nagu soo fara-galisa ma jirto oo sharcigayaga waanu u madax banaanahay talaabada ku haboona ee cdaaladda wafaqsan aanu ka qaadayna.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories