HomeHanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo Dhaliilay Qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Hanti-dhowrka...

Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo Dhaliilay Qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhowrihii Guud ee hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Mr Siciid Saleebaan Mire, ayaa sheegay inaanay jirin haba-yaraatee wax deyn ah oo xukuumaddii hore kaga tagtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxase uu qiray inay jirty dheelli-tirnaan xagga Kharashka iyo dakhliga ee miisaaniyadda xilligii kala-wareegga labada xukuumadood.

hanti-dhowre Siciid Mire

Mr Siciid oo xilligan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa uu sheegay in isaga iyo Xisaabiyaha Guud tiraba dhowr jeer isugu yimaaddeen kulamo ay ku xaqiijinayaan inay jirto Wax deyn ah oo xukuumadda hore kaga tagayso xukuumadda cusub, sidaa awgeedna aanay jirin wax deyn ah marka laga reebo inay miisaaniyadda ka muuqatay Isu-dheeli-tirnaan la’aan xagga kharashka iyo dakhliga ah.   

 

 “Goob-joog baan ahaa xilligii kala-wareegga laba xukuumadood, Xisaabiyaha guudna goob-joog buu ahaa. Haba yaraatee wax deyn ah oo xukuumaddii hore ka tagtay may jirin. Wasiirkii horena wuu ka caddeeyey meesha, wasiirkii cusbaana wuu kula wareegay.

 

Intii aanay xil-wareejintu dhicin, xisaabiyaha guud warqad qoraal ah ayaan u qoray in wax deyn ah oo taagani ay jirto, dhowr kulanna waanu yeelannay aanu ku hubinayno inay jiraan wax deyn ah oo xukuumaddu kaga tagayso xukuumadda cusub. Markaa ma jiro wax deyn ah oo ay ka tagtay xukuumaddii hore marka laga reebo Surplus (dheeli-tirnaan Kharashka iyo Dakhliga miisaaniyadda ah) ka tagtay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Siciid, waxaanu intaas raaciyey, “Madaxweynihii hore bishii afraad wuxuu soo saaray wareegto uu ku joojiyey wax allaale wixii aan ahayn Running Cost (kharashka lagu shaqaynayo) inay ka baxaan qasnadda sida shidaalka, raashinka ciidamada isagoo uga dan lahaa in dowladda cusub u timaaddo keyd lacageed oo ay ku shaqayso inta bilowga ah.”

 

Dhinaca kale, Mr Siciid Saleebaan waxa kale oo uu duray qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud oo uu is-barbardhig ku sameeyey farqiga u dhexeeya awoodda masuuliyadeed ee xafiisku u leeyahay gudashada waajibkiisa xukuumadii hore iyo xukuumadda xilligan.

 

 “Madaxweynihii hore markiiba tallaabo ayuu qaadi jiray marka wax musuq-maasuq ah la helo, hanti-dhowrka shaqadiisuna maaha meel baanu baadhnay, laakiin waa in la soo bandhigaa waxyaabaha lagala kulmay. Awoodda hanti-dhowrka waxa ka mid ah haddii musuq-maasuq la qabto in markiiba la xidhi karo, ugu badnaan waa in 48 saacadood lagu soo gudbiyaa gal-dacwadeedka cidda la eedeeyey.

 

Markaa wax iska caadiyaan u arkaa meelahan la marayo iyo meel heblaayo ayaa la baadhay,” Sidaas ayuu yidhi hanti-dhowrihii hore ee Qaranka oo magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ugu warramay telefishanka Eryal.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories