HomeHanti-dhawrka oo Xabsiga Dhigay Xoghayaha Degmada Fara-weyne oo Maamulkiisa Bulshadu Ka...

Hanti-dhawrka oo Xabsiga Dhigay Xoghayaha Degmada Fara-weyne oo Maamulkiisa Bulshadu Ka Cabatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Saraakiil ka socotay Hay’adda Hantidhawrka Qaranka Somaliland, ayaa xabsiga dhgay xoghayaha degmadaa Ismaciil Muxumad jaamac . kadib markii ay baadhis ku bilaabeen xafiiskiisa, iyagoo  gacanta ku dhigay document  badan oo la xidhiidha musuqmasuq iyo wax is dabo marin, ay sameeyeen gudoomiyaha iyo xoghayaha demadaa.

blank

Sida ay warbaahinta u sheegeen Xogo mihihiima ah oo laga helay dadka, waxayna wararku sheegeen in Xoghayaha saacado kadib lasoo daayay.

 

Baadhista Hantidhawrka, ayaa timi markii ay soo baxeen cabashooyin ka yimi dadka deegaanka , iyadoo Dadka Beeralayda ee  degmada Fara-wayne cabasho xoogan ka muujiyey lacag badan oo lagu kordhiyey canshuuro  aanay qaadi Karin dadka oo wakhtigan xaalado iyo duruufo nololeed.

Qaar ka mid ah dadka  Beeralayda oo diiday in la xuso magacyadooda, ayaa warbaahinta u sheegay in  markii hore Beeraha laga qaadi jiray 50,000 lacagta Sl/shilling, balse bilihii u danbeeyay lugu kordhiyey laban-laab, taas  oo ka dhigaysa in lacagta hada la kordhiyey ay tahay 50,000 S/l Sh. sidaa awgeed hada lacagta laga qaado Beeraha  ay tahay, 10, 0000 S/L  sh. Waxayna sheegeen inay culays ku tahay  bulshada.

 

blank

Dadka arrintan ka ahdlay, ayaa sheegay  in gudoomiyaha Maxamad Abiib Cismaan , (siikaawi). iyo xoghayaha  Degmada Fara-wayne, Ismaciil Muxumad Jaamac  lacagtaa lagu kordhiyay horre ugu sheegeen inay wax kaga qabanayaan adeegyada aasaasiga ah ee Degmada oo kusoo celinayaan  degmada, balse aan waxba lagu soo celin.

Degmada  Fara-Wayne oo ku taal duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, waxa  ilaha dakhligu kasoo galo ka mid ah Kastamka wax lagu canshuuro,  iyo kabka dawlahadda hoose iyo canshuuro kale.

Degmada  Fara-weyne oo xuduud la leh dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxay hore uga xidhnayd dhinaca xadka inay maraan badeecado, balse xilligan u furan xadka ay la wadaagto dhanka dalka Itoobiya, waxaana warar xog ogaali ah sheegayaan in dhaqaale badan kasoo galo, taas oo haba yaraate aan ku dhicin khasnada dawlada hoose degmada,  sida ay sheegayaan xogahaa.

Maamulka Degmada oo aanay suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan waxyaabaha lagu eedaynayo, waxay Dadweynaha degmada ku nooli u dhagtaagayaan ama ay ka dhursugaayan natiijada kasoo bixi doonta hay’adda Hanti-dhawrka qaranka oo hada documentigi gacanta ku haysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories