HomeHanka Madaxnimo waddadee loo maraa? – W/Q: M. Dayib

Hanka Madaxnimo waddadee loo maraa? – W/Q: M. Dayib

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Istaraatiijiyadii Xildh. Dogox ee Maayarnimada Hargeysa ma waxay noqotay isaga oo huwan milgihii xildhibaanimo inuu gacanta saaray xoghayihii Dawladda hoose Mawliid Waris makruu hanan kari waayey codadkii xildhibaanada??!!

Qofkasta oo muwaadin ahi inuu han siyaasadeed yeesho cidda uu doonana doorto ama la doortaa waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee qofkastoo muwaadin ahi leeyaay,  waa inuu ku tala galaa in laga badin karo qofkii uu codkiisa uu u hibeeyey sidoo kalena haduu u sharaxan yahay mansab (Position) xisaabta uu ku darsadaa in laga badin karo guusha iyo guuldaradana aanu ninna la dhalan.

Run ahaantii tan iyo intii doorashayoonki  kala dambeeyey ee Somaliland qabsoomeen waxa ay bulshadu waayo aragnimo iyo barasho ka korodhsadeen shakhsiyaadka saaxadda siyaasadda ku hirdama iyo heerka dadnimadooda, aqoontooda, kartidooda iyo inay u qalmaan iyo in kale. Wakhti kastaana waayo leh qof kastana waxa uu gashado ayuu waayuhuna u dhalaa.

Doorashadii golaha deegaanka ee hargeisa waxa ay ka mid ahayd doorashadii ugu hadal haynta badnayd ee dalka ka dhacday waxaana loo dhag taagayey golaha deegaanka ee cusub waxa ay kaga duwanaan doonaan golihii hore ee muddada dheer  joogay ee ay badaleen. Eng. Yuusuf Warsame Siciid ilaahay naxariistii janno ha siiyee waxa uu ahaa xildhibaanka ugu waayo aragsanaa islamarkaana ugu da’da iyo khibradda badnaa, golahan cusub ee deegaanka waana ay asiibeen doorashadiisii maayarnimo laakiin isaguna muu calfan caasimaduna nasiib umay helin waxaana ku simi waayey geeri aanay cidi la balamin ilaahii abuurtay ayaana oofsaday.

Haddaba rag aan aad ugu hanweynaa oo ka mid ah xildhibaanada soo baxay oo aan bidayey aqoon iyo dhiig cusub oo usoo kordhay caasimadda loona aayi doono abaal gudna uga dhigi doona dadkii soo doortay waxqabad kolba inta awoodooda ah.
Xildhibaan Saleebaan Dogox oo ka mid ahaa raggaas ayaan aad u saluugay siyaasadiisa, Saleebaan waxa uu soo bandhigay markii uu ku jiray ololaha golaha deegaanka Barnaamij qurux badan oo uu kusoo jiitay dadkii codkooda siiyey waxaana ka mid ahaa barnaamijikiisa iyo ololihiisii Maayarka mustaqbalka ee caasimadda hargeisa oo boodhadh waaweyn ku xardhanaa hankiisuna aad ayuu u fiicnaa, habase ahaatee markii uu ku gulaystay kursiga xildhibaanimada taasi waxa ay uga baahnayd inuu kasbado xildhibaanada ay golaha kuwada jiraan kana dhaadhiciyo barjaamijkiisa si loogu doorto jagada maayarnimada.

Kalfadhigii u horeeyey ee golaha deegaanku yeeshay ee lagu doortay Eng. Yuusuf Warsame Siciid Saleebaan Dogox waa uu ka baaqsaday isaga iyo xildhibaanadii taageersanaa inay ka qayb galaan kalafadhigaas waliba waa uu dhaleeceeyey laakiin aqlabiyad (Majority) ayaa lagu doortay Mayarkii hore, saleebaan waxaa uu isku arkayey inuu isagu yahay ninka u qalma jagadan.

Xildh.Saleebaan waxa looga fadhiyey inuu eegto sugana fursad uu ku noqon karayo samaystana istaraatiijad iyo sida ugu haboon ee uu ku hanan karayo xildhibaanada golaha deegaanka, markii uu geeriyooday ilaahay naxariistii janno ha siiyee Eng. Yuusuf Warsame Siciid ee ay banaanaatay jagadii Maayarka caasimaddu waxa socday maalmihii u dambeeyey loolan aad u daran oo u dhexeeyey musharixiin tiro badan oo kala jiidanayey xildhibaanada golaha deegaanka.

Istaraatiijiyadii laga filayey Xildh. Saleebaan ee maayarka hargeisa waxa ay noqotay in isaga oo huwan milgihii xildhibaanimo markii uu hanan kari waayey codkii xildhibaanada inuu gacanta saaray xoghayihii dawladda hoose Mawliid Waris oo uu feedhay tanina waxa ay noqonaysaa fadeexaddii siyaadeed ee ugu fool-xumayd ee uu sameeyo xildhibaan ka mid ah golihii cusbaa oo ku noqonaysa cambaar aanu kasoo kaban doonin laguna bartay heerkiisa shakhsaydeed, waxaanu ka baaqday fadhigii doorashada halkaas oo ay soo xaadireen dhamaan 24 kii xildhibaan ee kale. Mana xuma inaad han yeelataa laakiin waa laga wanaagsan yahay inaad noqotid jinni-boqornimadakuu horseeday maanta waxaad kali ku tahay (political isolation).

Xildhibaanku maanu akhriyin waxa xaq loogu leeyahay  ama uu u leeyahay (code of conduct) iyo waxyaabaha uu ku waayi kari xubinnimadiisa?

Hadaba marka aad han madaxtimo aad doonaysid wadadee loo maraa??!! Ma waxaad ku riyootay inuu hirgalaabaa??!! Ma inaad JINNI BOQOR noqotaabaa?! Ma inaad anshaxa iyo sharafta wanaagsan aad ka tagtaabaa?? Shacabkii kusoo doortay maxay kaa sugayeen??!! Inaad maayar noqotaa ma waajibbaa??!! Waxaad wanaag ku wayday xoog miyaa lagu helaa?

Waxaan ilaahay ka rajaynaynaa inuu garansiiyo cid kastoo hansiyaaseed leh calfatana masuuliyad umadeed inuu waafajiyo wanaag, garasho dheer, daacadnimo, dhex-dhexaadnimo, imaan-wanaagsan,aragti dheer, caqli-badnaan iyo kalsooni

Qormadaydan waxa aan kusoo koobayaa waa in laga waantoobaa qardajeexnimada siyaasdeed ee kusoo badanaysa masraxa siyaasadda innamana anfacayso siyaasad ku salaysan ku salaysan; Anna waa markaygii!, Cidi igama wanaagsana!, Anigaa xaq u leh!, waa inaan helaa! IWM. Badalkeedana aynu adeegsano; Yaa ku haboon, Yaa u qalma, Yaa gudan kara, Hadii la ii garto IWM.

Qalinkii: Maxamuud Dayib

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories